Daraasad Cadaysay In Jimicsigu Yareeyo Cimriga Oo Daaha Laga Rogay

0
396

Khubaro ka socotay jaamacadda University of Jyvaskyla ayaa dhowaan soo gunaanaday daraasad ku saabsan siday samaynta isugu lee yihiin cimriga iyo jimicsiga ay dadku sameeyaan.
Darasadan oo ay dhowaan soo gebo gebeeyeen ayay natiijadii ku sheegeen in jimicsiga badani yahay mid yareeya soona gaabiya cimriga dadka,iyaga oo sheegay inay sameeyeen tijaabooyin badan,kuwaas oo ay sidoo kale ku ogaadeen in nolosha dadka oo dheeraata aanay saamayn ku yeelan Karin dadka oo si dabiici ah dedaalo u sameeya .
Culimadan ayaa intii ay ku jireen daraasadan waxay tijaabo ku sameeyeen laba jiir oo kala duwan,kuwaas oo ay ka keeneen laba degaan oo kala duwan cimilo ahaan,waxaanay kazoo qaadeen laba qof oo kale,iyaga oo dhigay meel laboratory ah,tijaabadana ku sameeyey.
Khubaradan ayaa natiijada daraasadan ku daabacay wargeyska lagu magcabo Science Reports ,iyaga oo sheegay in aanay waxba ka jirin fikirkii ahaa in uu cimriga gaabiyo Genes ku jira jidhka dadku,taas oo ay ku dareen in ay saamayn badan ku yeelato arrintan jimicsiga la sameeyaa.
Khubaradan ayaa sheegay in jidhku awood badan oo dibada kaga timaada la kulmo xiliga lagu jiro jimicsiga,taas oo keentay inay meesha ka baxdo adkaysigiisii 16% kamid ahi.
Sidoo kale xeel dheerayaashan ayaa waraysi ay la yeesheen laba qof oo mataano ah ku sheegay inay saamayn ku kala yeelatay habka jimicsi ee uu mid kamid ahi sameeyo ,halka aanu ka kalena waxba ka samayn.
Culimadan ayaa sidoo kale sheegay in jimicsigu jidhka ka dilo waxyaalo badan oo laga yaabi lahaa inuu sii dheereeyo cimriga,kaas oo kamid ah waxyaalaa faa’ido darada u ah jimicsiga.

Leave a Reply