Ka Faa’iidaysiga Fikirka Maskaxda

0
436

Saxaabiga Xudayfa Binu Yaman aya yidhi waxa ii yeedhay Rasuulka Allah (scw) habeenkii duulaankii Axsaab, waxaana  uu ii diray inaan soo ogaado ciidankii gaashaanbuurta gaalada warkooda.
Waan tegay, waxay ahayd habeen qabow oo dabayl badan oo qofna aanu garanayn kan agtiisa fadhiya.  Abu- Sufyaan oo ahaa hogaamiyhii ciidanka  qurayshta oo ka mid ahaa gaashaanbuurta duulaanka ku soo qaaday Madina iyo Rasuulka (scw) ,  ayaa ku yidhi ciidankiisa “ Caawa war ayan idiin sheegayaa , qof kasta kan ag fadhiya ha iska hubiyo inuu yahay basaas iyo in kale”.
Saxaabiga Xudayfa (rc) aya yidhi anigu markiiba ninkii I ag fadhiyay ayaan kaga horeeyay oo ku bilaabay  waar adigu kumaad ahayd ka dibna isagoo shakisan oo is beri yeelaya (oo ka baqanaya in lagu sheego basaas ) ayuu yidhi waxaan ahay in hebel hebel.  Sidaasi ayaan habeenkaasi ku badbaaday hawshaydiina usoo dhamaystay kuna soo noqday Rasuulka Allah (scw) anigoo nabad qaba una keenay warkii Abu-Sufyaan. Noocan ka faa’iidaysiga maskaxda ee degdeg wax loo yaqaan ” Speed counterintuitive” oo ah degdeg jawaab u helid.

Leave a Reply