Duulaanka Ramadi oo sii socda

0
413

Duulaanka ururka dawladda Islaamiga ah looga saarayo magaalada Ramadi ayaa galay maalintii labaad.
Ciidammada Ciraaq ee sida gaarka ah u tababaran ayaa wadooyinka magaaladaasi kula dagaallamaya xooggaga ururkaasi.
Saraakiisha ayaa ku rajo-weyn in Ramadi ay dib u qabsan doonaan ugu dambeyn dabayaaqada todobaadkan.
Balse korneel Steve Warren, afhayeenka xulafada uu Mareykanka horkacayo, ayaa sheegay in dagaalka uu noqon karo mid aad u adag.
Waxa uu sheegay in qiyaastii 350 dagaalyahan oo ka tirsan ururka dawladda Islaamiga iyo tobanaan kun oo dad rayid ah ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada.
Waxaa jira warar sheegaya in dagaalyahannada dawladda Islaamiga ay ku tala jiraan in ay gabbaad ka dhigtaan dadka rayidka ah.
Ciidammada duulaanka wada ayaa u muuqda kuwo nidaamsan oo tababar wanaagsan ka helay saraakiil Mareykan ah.
Balse waxaa dagaalka ka maqan maleeshiyaadka Shiicada ah ee gacanta ka geystay qabsashada magaalada Tikrit horraantii sanadkan.
Ka qeybgalkooda duulaanka ayaa waxa uu dhalin karaa in ay ka cadhoodaan Sunniyiinta awoodda badan ku leh Ramadi iyo gobolka Anbar ee ay magaala madaxda u tahay.

Leave a Reply