Gaadhi loogu Talogalay Dadka aan Jeclayn inay Lugeeyaan

0
486

Gaadhi yar oo  cajiib ah ayaa la soo saaray kaasi oo loogu talo galay inay isticmaalan dadka Caajiska badan oo aan awoodin inay u lugeeyaan goobaha shaqada iyo meelaha laga dukaameysto.
Gaadhigani oo si tijaabo ahaan loo soo saaray ayaa waxaa lagu tijaabiyay Shirkadaha ka ganacsada Gaadiidka, waxaana durbadiiba kala boobay dadka caajiska badan.
Gaadiidkaani oo tiro yar la soo saaray ayaa mar qudha laga waayay suuqyada, kadib markii ay ku xoomen dadka caajiska badan oo inta badan dhibsada lugeynta iyo in gaadhiga ay meelo baakin ah dhigtaan kadibna Xafiisyada iyo Goobaha shaqada ku galaan lug.
Gaadiidkani ayaa waxaa loogu talo galay in lagu galo Xafiisyada, Qololka iyo Goobaha ganacsiga.
Dowlado ay kamid tahay Britain ayaa dalkeeda ka mamnuucday gaadhiga waxaana taasi ugu wacan kadib markii hoos u dhac uu ku yimid shaqaalaha ka howlgala xafiisyada iyo goobaha ganacsiga oo dhamaantoodba noqday gaadiid yar.
 

Leave a Reply