Masuul Madaxweynaha Uga Mahad Celiyay Xilkii Uu Ka Qaaday

0
346

Hargeysa (Dawan)- Maareeye Ku-xigeenkii hore ee TV-ga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Qaasim Xasan Mataan, ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad-celiyay xilka uu ka qaaday isla markaana ku bogaadiyay magacaabistisii hore ee uu xilka laga qaaday  ugu igmaday.
“Waxaan halkan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland xilkii uu xalay(habeen hore)  iga qaaday. Waxaan mar labaad uga mahad-celinayaa sharafti iyo maamuuskii uu markii hore igu aaminay xilka iyo wada shaqayntii fiicnayd ee  aanu yeelanay.
ummada reer Somaliland-na waa habeen khayr badan oo mawliidkii Nabiga (SCW) caalamka islaamka laga xusayee,  waxaan ILAAHAY uga rejaynayaa inuu siiyo dawladnimo buuxda oo caalamka ka mid noqota iyo inay ku waaraan bash-bash iyo barwaaqo,”ayuu Maareeye ku-xigeenkii hore ee Telefishanka Qaranka Qaasim Xasan Mataan ku yidhi qoraal kooban oo uu xalay soo dhigay bartiisa Face-book-ga.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply