Wasiirka Waxbarashada Oo La Kulmay Maamulka Dugsiyada Gaarka Ah

0
384

Hargeysa (Dawan):- Masuuliyiinta Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la yeelatay maamulayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaaladda Hargeysa, waxaana lagu falanqeeyay.arrimo la xidhiidha xoojinta wada shaqaynta wasaarada iyo dugsiyada gaarka ah. Shirkan ay wasaarada waxbarashada Somaliland la qaatay dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ka qabsoomay magaaladda Hargeisa, ayaa waxa lagaga wada hadlay ahmiyada ay waxbarashadu leedahay iyo kaalinta ay kaga jiraan dugsiyada gaarka ahi.
Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare mudane Cabdillaahi Ibraahim Habane  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in wasaaradda waxbarashadu ay masuul ka tahay dugsiayda gaarka ah iyo dugsiyada dawlada labada, waxaana uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa ama dugsi gaar ah ha ahaado ama ka dawligaba ha ahaado waxa aan u adeegaynaa umaddeena wasaaraduna waxbarasho oo dhan ayay ka masuul tahay. Waxanay u sugnaatay waxbarashado marka ay tahay wasaaradan, waxa la dajin doonaa oo gacanta lagu hayaa siyaasada waxbarashada. Manhajka waxbarashadda ayaynu  wada falaqayn doonaa.Maxaa innoo dan ah maxaynu carruurteena baraynaa ama af Ingiriisi wax ku bar ama Carabi ku bar ama af Somali.”
Wasiirul-dawlaha wasaarada waxbarashada Axmed Nuur Faahiye ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu shegay in aanay kala jeclayn iskuulada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladda waxaanu yidhi  “Waa isku kaayo mid iskuuladu, waxaana aanu ku sii kala jecelnahay, tayada iskuulka ama gaar loo lahaado ama dawli ha ahaadee. Iskuulka tayo leh ee raaca awaamiirta wasaarada iyo nidaamkeeda kaas ayaanu ugu jecelnahay laakiin sida kale ma kale jeclin oo waa isugu kaayo mid.”
Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Abiib Axmed Cali ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu tilmaamy in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay ka mid yihin wsaarda waxbarashda isla markaana ay dabooleen baahiyahay waxbarashada waxaanu yidhi “Dugsiyada gaarka loo leeyahay waxa ay ka mid yihiin Dugsiyada waxbarashada ee qaranka. Qaybo badan oo baahiyihii waxbarashada ahna waad naga daboosheen.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply