Caruurta Oo In Badan Hor Fadhida Computers-ka Lagu Ciyaaraa Waxa Dhaawac Ka soo Gaadhaa Qaybo Maskaxda Ah

0
386

Kooxo saynisyahano ah oo ka socday jamaacaddo ku yaala wadanka Maraykanka ayaa digniin kazoo saaray caafimaadka caruurta inta badan waqtigooda ku qaata inay hor fadhiyaan computers-ka lagu ciyaaro .
Culimadan oo u badnaa kuwo dhinaca caafimaadka aqoon u leh ayaa sheegay in caruurtaasi oo waqti badan ku qaadata koombiyuutaradaasi ay la kulmaan maskaxda oo qaybo kamid ahi waxyeelo kazoo gaadho,taas oo keentay inay hadhow waalan karaan.
Cilmiyahanadan ayaa ahaa koox ka socotay jaamacadda lagu magcaabo American University of Utah Science,waxaanay sheegeen in ay darasadan ku heleen tiro dhan 200 oo caruur ah ama dhalinyaro ah oo maskaxda uu waxyeelo kazoo gaadhsiiyey qalabkaasi Computers ka ahi oo ay ku ciyaaraan inta badan Games.
Qalabkan ayay sheegeen xeel dheereyaashani in uu waxyeelada ugu weyn soo gaadhsiiyo Neerfeyaasha ,kaas oo ugu dambayna qalajiya qaybo kamid ah maskaxda ,gaar ahaana qaybaha xusuusta .
Khubaradan ayaa sheegay in waxyaalahan ay caruurtu ku ciyaarayaan Koombiyuutaradani ay sababaan in ay lunto deganaantii maskaxdu sidoo kalena ay caruurtu ku ilaawaan cuntada ay cunayaan,madaama oo loo baahan yahay in markasta oo ay qalabkaasi dul fadhiistaan caano la siiyo ay taasi meesha ka baxayso.
Jeffrey Anderson oo khubaradan hogaaminaayey ayaa sheegay in mudadada ay dhul fadhiyaan caruurtu qalabkan ay tahay mudada sababta u ah in uu dhaawacani soo gaadho caruurtaasi,taas oo sidoo kalena sababta in uu dhiigu khal khal galo ,lana arko caruur yar yar oo dhiig ku furmay maskaxdooda.
Waxaanay daraasadan kusoo xidheen in la yareeyo waqtiga ay caruurtu dul fadhiyaan qalabkaasi,iyada oo sidoo kalena cunto caanuhu ugu badna yhiin lagula dedaalaayo in la siiyo.

Leave a Reply