Bunka oo La Badsadaa Waxa ay yaraysaa Geerida Deg Dega Ah

0
395

Kooxaha Caafimaadka Maraykanka oo dhowaanahan ku hawlanaa samaynta daraasado la xidhiidha shaaha ayaa sheegay in Kofeega oo la joogteeyo cabitaankiisu ay yarayso geerida gediska ah .
Daraasadan oo ay sameeyeen koox ka socotay maxadka National Institute of Cancer Studies ayaa sheegay in ay daraasadan muddo dheer soo wadeen,iyaga oo sidoo kalena dib u raacay daraasado la sameeyey waqtiyo hore oo laga soo bilaabo sannadkii 1998 ilaa 2009,kuwaas oo lagu sameeyey dad gaadhaaya ilaa 90,000 oo qof,kuwaas oo qaarkood lee yihiin wadno xanuun.
Khubaradan ayaa dadkaasi eegaayey waxyaalaha ay isticmaalaan cunto ahaan,iyaga oo sidoo kalena awooda saaraayey inta cabta kafeega,waxaanay sheegeen in ay isu eegeen dadkii dhintay iyo inta nool intii ay daraasada wadeen oo lagu daray waqtiyadii hore ee lasoo sameeyey daraasdaha hore,iyaga oo intaasi ku daray in ay ka dhimasho yaraayeen kuwa kafeega cabaa kuwa aan cabin ,gaar ahaana kuwa maalintii caba 4 ilaa 5 koob in ay ka dhimasho yaraayeen kuwa aan cabin.
Khubaradan ayaa daraasadooda kusoo gebo gebeeyey in Kafeegu awood dheerada siiyo qaybo kamid ah unugyada jidhka,halka ay samayntiisana ku sheegeen in uu samayn ku yeesho shaqada Wadnaha iyo unugyada dhiiga shaqadooda,halka daraasadaha kale qaarkood tilmaamayaan in in kafeega madowi uu yahay ka ugu fiican dhanka cabitaanka

Leave a Reply