Gabadh yar oo u dhalatay dalka Suuriya ayaa ku dhacday mid ka mid ah suuqyada dalka Jordan iyadoo iibinaysa xanjo. Waxay u maleeyeen dadkii ku jiray dhismaha ay hoos jiiftay inay seexatay waxanay isku dayeen inay toosiyaan laakiin may u suurtagelin ka dibna waxay u qaadeen dhinaca dhakhtarka.
Dhakhaatiirta ayaa sheegtay inuu wadanuhu dhacay oo uu hoos maray xadkii loo bahnaa, sababta ayaa lagu sheegay inay ahayd raashin la’aan iyo gaajo si xun u haysay. Waana arimaha ay ku keenaan dagaaladu dhalaanka.