Qiimaha Ey-da La Kala Siisanaayo Oo Gaadhey Meel Sare Wadamo Afrika Iyo Carabta Ku Yaala

0
450

Qiimaha Ey-da ayaa meel sare gaadhey wadamo badan oo ku yaala Ey-da oo laga dhoofiyo ,iyada oo loo iibgeynaayo wadamo kale oo ay kamid yihin wadamada Carabta,waxaa sidoo kale wadamadaasi loo iibgeeyaa Bisadaha oo iyaguna qaali ku ah wadamadaasi.
Wadamada ugu badan ee sannadkan uu sixirka Ey-gu kor u kacay ayay kamid tahay wadanka Kenya,waxaana kaalmaha ku xiga soo galay wadamada Ethiopia,Chad iyo South Afrika.
Ey-dan ayaa ah kuwo inta badan loo iibgeeyo wadamada Carabta,waxaana lagula wareegaa xayawaankaasi guri joogta ah lacago aad u sareeya,kuwaas oo lagaga dejiyo dekedo ku yaala wadamadaasi.
Garoonada iyo dekedaha wadamadaasi ayaa looga sameeyey goobo lagu baadho caafimaadkooda,iyada oo ay inta badan iibsadaan dadka ganacasatada iyo madaxda ahi,waxaana lagu rabeeyaa ilaalona looga dhigaa goobaha xafiisyada iyo guryaha wadamadaasi ku yaala.
Qaar badan oo kamid ah ey-dan ayaa loo tabobara ciidamada wadamadaasi iyo goobaha ganacsigaba,kuwaas oo ay ka hawl galaan,iyada oo waqtiyadan dambe laga dareemaayey ganacsiga xayawaankan ,gaar ahaana Ey-da wadamo Afrika ku yaala,iyada oo dadka iib geeya ay dhalinyaradu ugu badan tahay.

Leave a Reply