Caanaha Xooluhu Waa Sahayda Ugu Wanaagsan Ee Aynu Haysano, Ilaalinta Nadaafadooduna waa Waajib Qaran

0
373

Guud ahaan xoolaha nool ee aynu dhaqano, ayaa laga maalaa caano isla markaana loo iib keenaa magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka,caanaha laga ganacsado ayaa imika noqday il  dhaqaale oo sidii hore si ka duwan looga  ganacsado isla markaana waxaa dalka ku soo badanaya dad muwaadiniin ah oo u dhaqaaqay dhaqashada Geela  kana ganacsada caanaha Geela oo ay soo galiyaan magaalooyinka dalka.
Waxaa kale oo jira dad xoolo dhaqato ah oo ka ganacsada caanaha xoolaha oo magaalooyinka gaadiid iyo lugba ku keena kuwaasoo ah Caano diiq xoolo dhaqato ah.
Hadaba maxay  inooga baahan yihiin caanaha Xooluhu intaynaan magaalooyinka keenin ee aan  dadku cabbin ee ay caanuhu ku jiraan candhada Xoolaha ee aan laga maalin.
Waxaa hubaal ah in caanuhu ay ka mid yihiin nimcooyinka aynu haysano ee RABBI inagu galaday waxaanay nolosheena kaga jiraan kaalin muhiim ah oo aan laga maarmi karayn.
Caanaha xooluhu waa cabitaan cunno iyo cabbid labadaba noqda isla markaana ay u baahan yihiin dadka oo dhami carruur iyo ciroole rag iyo dumar.
Waxaa nolosheena kaalinta ay kaga jiraan caanuhu muujinaya odhaahda halhayska ah ee aynu ku muujino  samaha iyo wanaagga taasoo ah nabad iyo caano
Waxaa kale oo aynu ugu ducaynaa marka reer aroos galo ee qoys cusub  la yagleelo weedha ah wiil iyo caano nabad iyo caano.
Habada caanaha aynu xooleheenna ka maalo ma ku lisnaa weel caafimaad ahaan ku habboon in caano lagu maalo isla markaana nadaafadiisu ay sarrayso mise hadda waxaa weel u ah caanaha oo aynu xoolaha ku maalla daasad iyo   wax la mid ah oo aan ahayn weel dhaqameedkii aynu hiddaha u lahayn.
Hadaba waxaynu u baahanahay in aynu caanaha xooleheena ee aynu ka ganacsanayno in aynu ku soo maalno isla markaana ku shubno kuna soo qaadno weel aan caag iyo daasad midnaba ahayn oo ku  habboon in caanaha xoolaha lagu shubo, waxaana loo baahan yahay in aynu weel caanoodka xoolaha ka dhigno weel ku habboon caafimaadka caanaha mid nadaafadeed iyo mid saxo labadaba si ay u noqdaan caano caafimaad ahaan la hubo oo aan wax dhibaato ah ku yeelanayn dadka dhama.
Laakiin waxaa hadda dalka ka jirta khatar caafimaad oo ka iman karta caanaha Xoolaha taasoo ay sabab u noqn karaan weelka caagadaha  ah ee lagu soo qaado oo  saxo xumo ku samayn kara caanaha sababtoo ah weelka caaga ee Caanaha lagu soo qaado oo ah Jirikaamo,ayaan ahayn weel nadaafad ahaan hore u maydhmi kara oo leh af bannaan oo toos looga xali karo,waxaa kae oo ay jirikaamadu sameeyaan dhidid huuriya  marka ay madhan yihiin ee la daboolo taasoo isu bedesha bukhuur samayn kara ur caanaha caafimaadkooda waxyeelaysa .
Hadaba waxaa la gudboon Wasaaradda Xannaanada Xoolaha in at tallaabo  hore u qaado lagu  horumarinayo caafimaadinta caanaha Xoolaha isla markaana dalka lagaga mamnuunacyo in la soo galiyo caano ku jira weelka caagaga ah taasoo wax wayn ka taraysa fayo qabka caanaha xoolaka isla markaana kor u qaadaysa waxtarkooda iyo faa,iidada ay u yeelanayaand dadka cabba.
 

Leave a Reply