Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Xeerka Kala Xadaynta Xukuumadda Iyo Hayadaha Madaxa Banaan

0
537

Hargeysa (Dawan)- Mudanayaasha Golaha Guurtida  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay cod aqbalabiyad ah ku meel mariyey xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda iyo hay’addaha madaxa banaan  oo muddooyinkii ugu dambeeyey horyaalay.
Fadhiga golaha guurtida Somaliland ee shalay oo uu shir gudoominayey gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayey mudanayaashu ugu codeeyeen xeerka kala xadaynta nidaamka  xukuumadda iyo hay’addaha madaxa banaan  in ay ku ansixiyaan sidii ay ay golaha wakiiladu ugu soo gudbiyeen.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha  guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali oo intii aanay mudaneyaashu ansixin xeerkan ka hadlay madasha ayaa  faahfaahin ka bixiyey xeerkan, waxaanu yidhi “Xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumada iyo hay’addaha madaxa banaan goluhu waxa uu haystay muddo laba bilood     ah oo ay kaga bogan karaan akhriskiisa, run ahaantiina xeerku wuu ka duwan yahay xeerarkii hore oo waa xeerkii ay xukuumaduba ku shaqayn lahayd  oo hay’adaha xukuumada ayuu kala xadaynayaa,  mana aha xeer wax kale khuseeya, waxaanan soo jeedin lahaa in sida ay golaha wakiiladu innoogu soo gudbiyeen aan u ansixino.” Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland oo cod u qaaday xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda iyo hay’addaha madaxa banaan ayaa waxa ansixintiisa ogolaaday  34 mudane waxaana diiday 4 mudane, waxaana ka aamusay 3 halka gudoomiyuhuna aanu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda iyo hay’addaha madax banaan ee Somaliland.
By: Jamaal C/Raxmaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply