Guddoomiyaha UCID Oo Si Adag u Duray Salaadiinta Somaliland

0
341

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si kulul u weeraray Salaadiinta iyo guud ahaan madax-dhaqameedka  Somaliland, kuwaasi oo uu ku dhaliilay in ay hormood u yihiin qabyaalada, isla markaana ay u hadlaan si ka baxsan dhaqanka.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad loo qabtay arday ka qalan-jabisay jaamacada Hargeisa, ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in sharci iyo xad qabta loo sameeyo salaadiinta iyo madaxdhaqameedka dalka.
“Waxaynu khatar u nahay qabyaalad ay hor kacayaan niman cumaamad sita oo yidhaahda salaadiin ayaanu nahay oo sidii islaamihii buraanburi jiray xaflad kasta ka  buraan-buraya oo waxay doonaan ku hadlaya,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu intaa ku daray “Xeerkii aynu naqaanay ma shaqaynayo oo waa laga tagay, waxaan ka dalbayaa maxkamadda sare  iyo kuwa hoosaba in salaadiinta dabar loo sameeyo. Illaa Carta ayay ka soo heeseen iyaga oo aan ina matalin. qaar baa jira aanu garbo duub u hayno, marka la yidhaahdo Xamar shir baa ka jira.”
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay in dadka la mideeyo, waxaana uu yidhi. “Waa in aynu dadkeenna midaynaa, haddii aynaan dadkeenna midayna ma helayno ictiraaf. Waxaana aan bilaabayaa socdaalka  nabadda iyo midaynta Somaliland. Ilaa bari ayaan soconayaa taas ayaan doonayaa in aan idiin bilaabo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply