Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Labaad Oo Loo Bineeyay Wasaarada Qorsheynta

0
340

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay xadhiga ka  jaray dhisme labaad oo  cusub oo loo hirgeliyay xarunta wasaarada qorsheynta qaranka Somaliland.
Xaflad lagu furayay  dhismahan ayaa lagu qabtay barxada hore ee wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland, waxaana  ka soo qeyb galay, wasiirka wasaaradaasi, Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe), agaasimihii hore  ee wasaaarad qorsheynt mudane Cabdirashiid Axmed Guulleed oo dhawaan loo bedalay Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga,saraakiil ka socotay Hay’ada  USAID iyo shaqalaha kala duwan ee ka hawl gala wasaaradaas.
 
Wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil  (Cali  Shoombe)  ayaa faahfaahin ka bixiyay hirgelinta dhismahan cusub oo ay wasaaradd ka caawisay Hay’ada USAID, waxaanu yidhi “Dhismahan oo ay maal-gaalisay Hay’ada mucaawinada u qaabilsan Maraykanka  ee USAID oo muddo socday ayaanu maanta (shalay) halkan xadhiga kaga jaraynaa, aad iyo aad ayaanu  ugu mahadnaqaynaa Hay’adda USAID waxaanu leenahay aad iyo aad ayaanu idinka mahad-celinaynaa dhismahan aad noo hirgaliseen.”
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu xadhiga ka jaray dhismahan cusub, ayaa ayaa ka markhaati kacay Hay’adan iyo dhismayaasha kala duwan ee ay wadanka ka hirgalisay waxaanu yidhi “Maanta waxaa farxad noo ah inaanu xadhiga ka jarno dhismaha  iyo xafiisyada cusub ee lagu soo kordhiyay wasarada qorsheynta qaranka Somaliland,  oo ay maalgalinta dhismahan iska leedahay Hay’ada USAID oo aan aheyn markii ugu horeysay ee ay sidan oo kale dhismayaal noocan oo kale ku caawiso qarankan, Somaliland, oo aanay aheyn dhismihii koowaad ee ay wasaaradan ku caawiso, dhismayaal horena way ku caawisay iyada oo lagu xisaabtamayo baaxada shaqada wasaarada ka socota, lana tayaynaayo shaqaalaha dawladda. sababtoo ah haddii shaqaalihii la tayeeyo, waxaa ay u baahan yihiin meeshi ay ku shaqayn lahaayeen, sidaad wada og tihiina wadanka gabigiisa waxa ka socda dhismayaasha oo ah qaar ay dawladdu hirgaliso iyo qaar ay Hay’aduhu maalgaliyaanba.”
Madaxweyne ku xigeenku  isaga oo hadalkiisa sii watay  waxaa uu intaas ku daray  “Hay’adan USAID, waxa ay gobollada Somaliland ka fulisay dhismayaal sidan oo kale ah oo aad noo caawiyay oo socodsiinta shaqada wax weyn ka taray markaa si weyn ayaanu uga mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee ay isaga xil saareen dhameystirka dhismahan.”
Nuur Muuse Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha  Hay’ada USAID  oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Shantii sannadood ee dawladani xilka haysay hawlo badan ayaanu la soo qabanay, maantana farxad weyn ayay noo tahay in bulshadda wax-qabadkooda la muujiyo,oo la siyaadiyo shantii sannadood ee aanu wasaarad iyo dawladda la shaqaynaynayna wasaaradu aad bay noola soo shaqaysay, sida aynu u soo wada shaqaynayna waynu u sii wada shaqayn doona haddii ALLE yidhaahdo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply