Hirdanka magaalada Ramaadi ee Ciraaq

0
443

Ila wareed milateri oo ku lug leh dagaalka ka dhanka ah kooxda isugu yeedha Dowladda Islaamiga ah ee ka soconaya magaalada Ramadi ayaa sheegay in ciidammada Ciraaq ay qabsadeen  xaruntii hore ee gobolka.
Xaruntaasi ayaa waxaa ku yaal dhismooyin waaweyn halkaasi oo dagaalyahanadii ugu dambeeyay ee kooxda Dowladda Islaamiga ah ay ka abaabulayeen sidii ay isku caabin lahaayeen.Ila wareedka ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay haatan rumeysan yihiin in maleeshiyaadka ay xarunta isaga baxeen iyagoo dib ugu gurtay waqooyi bari ee magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in ciidammada Ciraaq ay haatan aad ugu dhaw yihiin in ay dib ula wareegaan magaalada Ramadi. Ciidammada ayaa waxa ay tahay in todobaadkan ay waddooyinka iyo dhismayaasha ka nadiifiyaan waxyaabaha qarxa, xilli ay ka baqayaan in dhismayaasha dowladda laga buuxiyay walxaha qarxa.
Weli waxaa taagan walaaca laga qabo dhibaatada haysata boqolaal qoys oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku xayirnaa jiidda hore ee dagaalka.
 

Leave a Reply