Masar: Sac la Sheegay In Caanihiisa Lagu Bogsado!

0
360

Marna kuma riyoon nin sabool Masaari ah oo degan tuulada Al-Maniya ee dalkaasi in qiimaha Sac yar ee uu leeyahay gaadho 1 malyuun oo Giniga dalkaasi ah habeen keliya.
Sacan ayay dad badani aamineen  in caanihiisu ay barakaysan yihin oo ay daweeyaan xanuuno badan, gaar ahaan Viruska C.
 
Guriga ninkan Saca leh ayay ku soo qulqulayaan dad caafimaad raadinaya oo raba inay cabaan caanaha Sacan, kuwaasi oo ka imanaya Masar iyo Yurub, ka dib markii ay arkeen dad xanuuno qabay oo ku caafimaaday caanaha Sacan.
 
Dadka Tuuladan Maniya ayaa qiray inay xaqiiq tahay in caanaha Sacani ay yihiin kuwo barakaysan oo caafimaad laga helo. Ninka Sacan  leh ayaa u sameeyay ilaalo gaar ah si aan looga xadin Sacan ama waxyeelo  kale loo gaadhsiin. Arintan ayaa keentay in Dhakhaatiirta xoolaha Masar ay bilaabaan inay baadhis ku sameeyaan caanaha Sacan iyo wararka la isla dhex marayo, kuwaasi oo xaqiijin doona inay ka duwan yihiin caanaha kale ee Lo’da marka ay dhameeyaan baadhista shaybaadh ee ay hadda gacanta ku hayaan.

Leave a Reply