Xildhibaan Bukhaari Ka Tallo-bixiyay Hanaanka Looga Bixi Karo Sicir Bararka Xadhkaha Goostay

0
396

Hargeysa (Dawan)- Xidlhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiilada ayaa sheegay in isticmaalka xad dhaafka ah ee lacagta doolarka ah ee bulashada reer Somaliland  qabatintay uu sabab u yahay sicir bararka iyo sare u kaca ku yimi qiimaha isku bedalka lacagaha qalaad.
 
Xildhibaan Bukhaari oo shalay u waramayay DAWAN, ayaa waxa uu tilmamaay in qiimo-dhaca ku yimi lacagta shilinka Somaliland ay keentay isticmaalka iyo baahida loo qabo doolarka, waxaana uu carabka ku dhuftay in sixir bararka lagula dagaalami karo in la joojiyo isticmaalka doolarka.
“Sicir bararku waxa uu ku yimaadaa laba sababood, kuwaasi oo ay kala ah, dhaqaalaha dadka oo kora, isla markaana ay badato isticmaalka iyo wax iibsigu. Dabadeedna uu diiro  dhaqaalaha dalku, taas wuu ku yimaadaa. Qoddob ka kale ee keena sicir bararka ee uu ku yimaadaana waa ka innaga dalkeenna laga cabanayo ee sixir bararka keenay,  waxaana weeye baahida loo qabo lacagta doolarka, Sicir bararka dalkeenna laga cabanayaa wax kale maaha. Doolarka ayaa keenaya in lacagteenii qiimo dhacdo, doolarka ayaa keenaya waxaanu ku keenaya baahida loo qabo doolarka,”ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.
Bukhaari waxa kale oo uu  sheegay in habka kaliya ee lagu joojin karo sicir bararka dalka ka jiraa ay tahay in la joojiyo isticmaalka lacagta doolarka ah, oo ah sababta keentay kor u kaca qiimaha lacagta iyo maceeshada waxaanu uu yidhi “Sida loola dagaalamayo waxa weeye in aynu joojino isticmaalka doolarka.Waxa kale oo lagula dagaalami jiray sixir bararka, Baanka dhexe oo awood u lahaa lacagta khasnada  dhexe taalla ee ay wasaaradda  maaliyaddu soo ururiso, inuu kula dagaalamo sicir bararka, tiina meeshii bay ka baxday in uu ku xaliyo, markaa baanku wuu garbo duuban yahay, markaa waa inuu baanku yeesho awood uu kula dagaalamo sixir bararka.”
Xidlhibaanku   waxa kale oo uu intaa raaciyay “Wasaaradda maaliyaddu waxa ay leedahay jaan-goynta siyaasadda cashuuraha iyo dakhliga dawladda. Laakiin waxa ku shaqo leh inuu maamulo lacagta oo suuqa geliyo oo hawshiisa ay tahay waa Baanka, Markaa waxa ay ila tahay in la siiyo baanka awood uu kula dagaalamo.”
Mudane Bukhaari waxa kale oo uu u soo jeediyay mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland in aanay siyaasadayn miisaniyadda hor taalla Golaha,  waxaanu  yidhi “Golaha Wakiiladu haddii uu wax ka bedalayo miisaaniyada waa in aanu dhinac kaliya wax ka bedalin, haddii kale dheeli ayaa imanaya. marka kharashaadna la kordhiyo, cashuurihiina la diido oo la yidhaahdo cashuurtaasna lama qaadayo, Halkaana ha laga saaro kaana ha la kordhiyo, waxa ay noqonaysaa miisanaiyaddii in aanay is daboolin.”
“Waxaan leeyahay. Miisaaniyadu waa in aanay golaha wakiiladda u noqon ciyaar siyaasadeed, waa inay noqotaa wax run ah, haddii aanay isku dheeli tirnayn miisaaniyaddu soo bixi mayso. Golaha wakiiladda waa miisaaniyadii  11-aad ee la keeno, aqoon ayay u leeyihin, waa inay ogaadaan waxa ka dhalan kara Miisaaniyad aan isku dheeli tirnayn iyo dhibta ay keeni karto,” ayuu yidhi Xidlhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply