Hala Dagaalami Cadow Aan Jirin!

0
525

Libaax taagan webiga dhinaciisa galbeed ayaa arkay Lo’ ka taagan dhinaciisa bari, markaasi ayuu isku qaaday webiga oo biyihii dhexgalay, markii uu ku qarqoomay ayuu ka soo baxay, isagoo aad moodo inuu la dagaalamayo biyaha, cadho xooglihina hayso.
 
Haddana wax yar ka dib ayuu isku qaaday. Markuu daalay ayuu aad u ciyay isagoo biyaha eegaya oo niyad jab ka muuqdo. Intaasi Ka dib Webiga ayaa la hadlay oo ku yidhi “Weligaa hala dagaalamin cadow aan jirin, hadii kale sidaasi ayaa dadaalkaagu ku dhamaan daal iyo waxba la’aan”.
 

Leave a Reply