“Deegaanka Widh-widh Waa Nabad-gelyo, Waxaan Leeyahay Dadka leh Nabadi Kama Jirto…”

0
482

Hargeysa (Dawan): Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye), oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa  sheegay in shacabka ku nool gobolka Buuhoodle ay diyaar u yihiin una heelan yihiin qaadashada kaadhka jinsiyada iyo ka codbixintaba.
Xildhibaan Dudeeye, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa   waxa kale oo  uu sheegay in uu dhawaan safar ku soo maray degmada Widh-widh iyo degaanada hoos yimaada, waxaanuu xusay in bulshadaasi ay diyaar u yihiin arrimaha doorashada.  Isagoo  arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa hawsheedii lagu jiraa arrintii diiwaan galinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, gobolka Buuhoodle, gaar ahaan degmada Widh-widh oo aan anigu ka soo jeedo iyo degaanada kale ee hoos yimaadaba kaadhkii waa la qaadanayaa, shacabka halkaas ku dhaqani waa u diyaar arrintaas, waana nabadgelyo wax dhib ahina kama taagna.”
Xildhibaan Cabdi xakiin Cumar Budeeye waxa uu talo u soo jeediyay dadka degaanadaas ku sheega in aanay nabadi ka jirin, waxaanu yidhi “Dadka leh Widh-widh  nabadi kama  jirto waxaan u sheegayaa, in degaanadaasi  ay ammaan yihiin oo aan anigu maalin ka hor kaimi.
Waxaan leeyahay ummadda ayaan loo sheegin wax been ah oo aanay waxba ka jirin. Dadka arrimahaas caadaystayna waxaan leeyahay walaalayaal ka waantooba wararkaas aan fidinaysaa.”
Waxaanu intaasi ku daray “Komishanka doorashooyinka qaranka waxaan ugu baaqaya in ay ka hawl galaan sidii degaanadaas ay shaqadooda uga qabsan lahaayeen, maadaama oo shacabkii diyaar u ayahay.” Ayuu yidhi xildhibaan Cumar Budeeye mar uu la hadlaayay komishanka doorashooyinka qaranka. Isagoo la hadlayay  shacabka ku nool gobolka Buuhoodle   waxa uu yidhi “Shacabka ku nool degmada Widh-widh iyo degaanada hoos yimaadaba waxaan ugu baqayaa in ay si baaxad leh ugu soo baxaan qaadashada kaadhka aqoonsiga iyo ka codbixintaba, si aanay u waayin xaqa muwaadinimo iyo ka codbixineed ee dastuurku siiyanayo in muwadiniintu waxa dooran karaan lana dooran karo.”
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply