Maxay Soomaalidu Ilib Dalqada U Goysaa?

0
639

Hilib Dalqadu waa xubin jilicsan oo ka muuqato afka salkiisa, waxay ka soo laalaadaa qeybta kore ee dhanxanaga.
Dhakhaatiirtu badanaa waxay aaminsan yihiin in dalqadu aysan faa’ido weyn oo la fahamsan yahay in aysan jirka u lahayn, qaarne waxay leeyihiin waa qanjir ka qeyb qaato difaaca jirka, qaarne waxay leeyihiin hadalka iyo cod samaynta ayay muhiim u tahay markay caruurtu yar yihiin.
Laakiin maadaama markii la jaro aysan jirin wax wayn oo jirka ka maqan ama howl ay qaban jirtay oo la gabay, ayay dhakhaatiirtu waxay ku adkaysanayaan in laga maarmi karo.
Anagu maadaama aan dad muslim nahay oo aaminsan in eebe abuuris kasta uu sameeyo in ay macno ku fadhiso, waxaanu leenahay illaa iyo hadda lama oga waxtarka dalqadu ay jirka u hayso.
Maxaa yeelay labadii boqol ee sano ee la soo dhaafay, waxaa dhakhaatiirtu aaminsanaayeen oo ardayda caafimaadka barato loo dhigi jiray in xubinta loo yaqaano “appendix-ka” ee laga saaro qofka markii qabsin ku dhaco in aysan waxtar lahayn, laakiin muddo hadda laga joogo dhowr sano la ogaaday ina y waxtar muhiim ah u leedahay bini’aadanka.
Intaa haddii aan uga gudbo hordhacaas, maadaama aanan aqoon badan loo lahayn dalqadu, sababta loo gooyane ma caddo, waxa kaliya oo la isku waafaqsan yahay oo loo gooyo waa dadka cabburma markii ay seexanayaan ama khuurada dheer leh kuwaas oo lagu sheego xanuun loo yaqaano “obstructive sleep apnea”, wixii ka soo haray waxay dhakhaatiirtu isku waafaqsan yihiin in aanan la qalin.
Way jiraan ummado afrikaan u badan oo ay soomaalidu ka mid tahay oo si joogto ah u gooyo dalqada iyagoo aaminsan in ay daawo u tahay dhowr cudur oo ay keenaan labadaan sababood:

  • Caabuqa ku dhaco cunaha iyo dhuunta
  • Qufaca ka yimaado dalqada dheer

Badanaa dalqada waxaa gooyo dhakhtar dhaqameed, dadka badanaane waxay dalqada ku qaldaan quumanka, sida sawirka kore ka muuqdane waxaad arkaysaa inay yihiin laba xubin oo kala duwan.
Dhibaatooyinka ka imaan karo dalqo goynta ayaa waxaa ka mid ah:

  • Dhiigbax siyaado ah maadaama dalqadu ay leedahay xidido badan
  • Infekshan laga qaado qalabka wax lagu goynayo
  • Dhaawac gaaro xubnaha kale ee dhuunta
  • Wax liqidda iyo codka oo xirmo

Maadaama dalqadu aysan xiriir la lahayn xanuunada darteed loo gooyo illaa iyo hadda, waxaa habboon in laga fogaado jaristeeda dhibaatooyinka ka imaan karo darteeda inta la oga ogaanayo waxa ay dalqadu qabato iyo haddii jaristeeda lagu caafimaadayo iyo haddii la jaro waxa jirka ka maqnaan doono intaba.
Xigasho: Somalidoc.

Leave a Reply