Saboolnimo Awgeed Ayay Jeclayd Inuu Dhinto Ronaldo!

0
426

Dolores Aveiro oo ah hooyada dhashay ciyaartoyga Christiana Ronadlo ayaa qiratay inay isku dayday markii ay uurkiisa lahayd inuu caloosheeda ku dhinto, iyadoo ay sabab u ahayd duruufaha nolosha oo aad ugu adkayd. Waxaanay intaasi ku dartay inuu Ronaldo ahaa ilmaheeddii afraad isla markaana aanay u hayn masaariif  ku filan ilma kale oo uu dhasha.
Hooyada ayaa sheegtay inay taasi dhakhaatiirtu ka diideen sababo dhinaca caafimaadka ah laakiin ay iyadu iskeed usii waday iyadoo cuni jirtay dawooyin badan oo ay doonaysay inay ku disho iyo weliba iyadoo sheegtay inay ordi jirtay si uu ilmahaasi u dhinto. Waxayna cadaysay inuu Ronaldo ogaaday arinkaasi oo kula kaftamo “Hooyo  u fiirso, waxaad rabtay inaan dhinto imikana  waxaan ahay kan qoyska ugu mudan”. Ciyaaryahankan ayaa caan ah oo laba jeer ku guulaystay kan dunida ugu wanaagsan isagoo qiimihiisuna gaadhay 112 malyuun oo doller.  (Source  RT Arabic)

Leave a Reply