Nin Isku Dal-dalay Xaafadda Masallaha Ee Magaaladda Hargeysa

0
674

Hargeysa (Dawan)- Xaafadda Masallaha ee duleedka koonfureed ee Caasimadda Hargaysa ayaa shalay barqadii lagu arkay Nin is daldalay oo iska soo laaladiyay Geed qudhac ah oo ku yaal xaafadaasi, ninkaasi oo aan illaa hadda la aqoonsan cidda uu yahay iyo magaciisa toona.Mid ka mid ah goob joogayaashii  halkaasi ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay In ninkan uu shalay subaxnimadii hore is daldalay isla markaana ay caruur iyo dumar si kadis ah ula kulmeen ninkan oo maydkiisu  ka soo laalaado Geedka isla markaana ay naftu kaga baxday halkaas .
Sidoo kale goob joogahani wuxuu noo sheegay in ninkan ay lugihiisa ka muuqdeen dhaawacyo aan la garan karin halka ay ka soo gaadheen kuwaas oo sababay in dhiig badani ka daato . Geesta kale Ruux kale oo isna ku sugnaa isla goobtan uu ninku isku Daldalay ayaa sheegay in uu ninkan wajigiisa aqoonsaday oo uu dhawaan uu xanuunka dhinaca maskaxda ahi ku dhacay wallow aan la xaqiijin karin  arrintan. Ninkan dhintay ayaa is daldalaaddiisa u isticmaalay Macawis uu isku tidcay, isagoo isku soo xidhay laamaha kuwa ugu sareeyaa ee geedkaasi. Ciidamada ammaanka  oo halkaasi soo gaadhay ayaa Maydkii meesha ka qaaday isla markaana baadhis ku wada. Maaha markii koowaad ee uu qof isku dhex daldalo magaalada Hargaysa, balse muddo hadda laga joogo Bilo waxaa Dooxa Hargaysa isku dhex daldalay Nin Ganacsade ahaan jiray.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply