Waxa ay Ku Khasabtay Inuu La Guursado Saaxiibadaheed!

0
395

Gabadh Sacuudiyaan ah ayaa ninka doonayay inuu guursado ka codsatay inuu la guursado saddex hablood oo kale oo ay saaxiib yihiin iyadoo weliba shardi kaga dhigtay. Fikir dheer iyo culays kaga yimi wiilka guurdoonka ah dhinca qaraabada aroosada ayuu ogolaaday sida uu daabacay wargeyska Al-Wadan ee Kuwait inuu guursado hablahaasi kale.
Hablahan ayaa meel keliya lagu wada qabtay meherkooda, iyagoo isla markaana ay wada degeen isla dabaq keliya. Sida uu wargeysku qoray hablahan ayaa wakhtigan ku wada nool dabaqaasi iyagoo is jecel isla markana iska kaashada cunta karinta, nadaafada iyo dhamaan hawlaha kale ee guriga.

Leave a Reply