Cuqaal Eedaymo u Jeedisay Masuuliyiinta Maxkamadaha Iyo Laamaha Amniga Gobolka Sool

0
389

Laascaanood (Dawan)- Qaar ka mid ah Cuqaasha iyo odayaasha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa dhaliil culus u jeediyay masuuliyiinta laamaha ammaanka iyo hay’addaha garsoorka ee gobolka, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ku xadgudbeen sharciga ammaanka ee gobolka.
Odayaashani waxa kale oo ay ka hadleen gaadhi loo haystay kiis dil ah oo ku xidhnaa saldhiga Booliska, gaadhigaasi oo ay sheegeen in la sii daayay, isla markaana ay sii dayntiisa fududeeyeen masuuliyiinta cusub ee booliska gobolka Sool, waxaanay ku baaqeen in arrintaasi si degdeg ah wax looga qabto.
Caaqil Salaad Xuseen oo ka mid ah cuqaasha waaweyn ee gobolka Sool oo halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay eedaha ay u jeedinayaan saraakiisha laamaha ammaanka,waxaanu yidhi  “Halkan waxaanu isugu nimi hawl ka dhacday magaalada Laascaanood, hawshaas oo ah gaadhi ku xidhnaa magaalada oo nin jiidhay, kaas oo ku xidhnaa saldhiga, oo maxkamaduhu inta ay xukun iska gaadheen ay gaadhigii sii daayeen amar la’aan, booliskiina wuu ka aqbalay. Dhibtaana waxaa keenay isbedelkii cusbaa ee yimi.” “Waxaanu ka codsanaynaa Wasiirka arrimaha gudaha, Taliyaha ciidamada Booliska, guddoomiyaha maxkamada Sare, Madaxweynaha Somaliland, in arrintaasi si degdeg ah wax looga qabto, waa arrin gabood fal ah, magaaladiina fowdo iyo xumaan ayay ku beertay, markaa wax ha laga qabto, markaa xukuumadda dhexe waxaanu leenahay wax ha laga qabto arrintaasi,” ayuu yidhi caaqil Saalad Xuseen.  “Arrinta aanu ka cabanaynaa waa taas ka dhacay gobolka Sool,  intii masuuliyiinta cusub la soo magacaabay, waxaa ku weheliya taliyaha saldhiga magaalada Yagoori, waxaanu leenahay si degdeg ah wax ha loogu qabto, raggii aad masuuliyiinta uga dhigteen gobolka ayaan amarba laga qaadanayn ninkii caddaalada u dhawaa,” ayuu yidhi mid ka mid ah cuqaasha magaalada Laascaanood oo isaguna halkaasi ka hadlay.
By: Axmed M.Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply