Khubaro ka socotay wadanka Ingiriiska oo daraasad dhanka qoyska ah ka waday wadankaas ayaa sheegay in hadiyaduhu kaga saamayn badan yihii raga dhanka dumarka,iyaga oo sheegay inay dumarka u siyaadiyaan farxad aanay raga u siyaadin.
Culimadan oo ahaa kuwo cilmiga nafsiga ah ku takhasusay ayaa sheegay in qoysaska inta badan farxadoodu ay sidoo kale ku xidhan tahay hadiyado labada qof ee nolosha wadaaga ay is weydaarsadaan,gaar ahaana dhinaca ninka oo ay hadiyadi ka timaadaa waxay keentaa ayay yidhaahdeen rali ahaansho uu ka helo xaaskiisa.
Codayn ay khubaradaasi oo ka socotay Social Research Centre ayaa lagu sheegay in dumarku hadiyadaha ay ka helaan ,waxaana taasi cadaysay bulshada 80% u codaysay in dumarku ay ka helaan,halka ay raggana yidhaahdaan 20% dadkaasi kamid ah .
Khubaradan ayaa sheegay in dadka reer Ingiriis saddex meelood ay sheegeen in dumarku ay aad u soo dhoweeyaan cidda hadiyadaha u keenta,sidoo kalena waxay sheegeen in qoysaska dhismaa yihiin kuwa ay dumarka iyo raggu isu hadiyeeyaan waxyaalaha hadiyadaha ah.
Culimadan ayaa sheegay in ay hadiyadahaasi ay keenaan in qofkaasi noqdo mid faraxsan oo degan,taas oo ay dadka kula taliyeen inay badiyaan hadiyadaha.