Golaha Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2016-ka

0
380

Hargeysa (Dawan);  Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay   cod aqlabiyad ah ku ansixiyay  odoroska miisaaniyad sannadeedka 2016-ka, taasi oo doodeedu ay maalmihii la soo dhaafay ka socotay golaha.
Fadhigii  shalay oo uu shirgudoominaayay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi  Md Baashe Maxamed Faarax,   waxay miisaaniyada raaciyeen lifaaq ka kooban dhawr qodob, oo baddi xildhibaanada golahaasi soo jeediyeen in lala ansixiyo miisaniyada.
Gudoomiye ku-xigeenka koowaad  Baashe Maxamed Faarax, oo  sharaxaad ka bixinayay  qodobada ay goluhu miisaaniyada raaciyeen waxa uu yidhi “Xildhibaanadu waxay isku raaceen in lacagtii saxaafadda ugu jrtay miisaaniyada ee guddida dhaqaaluhu hore uga saareen in lagu soo daro oo sideedii loo daayo. Guddida dhaqaaluhu waxay soo jeediyeen in maxaabiista jeelasha ku jirta qofkiiba loo kordhiyo labba kun oo shilin.
Hay’addaha aan miisaaniyada ku jirin waa in muddo saddex bilood ah sharcigoodii loo soo sameeyaa. Lacagtii 2% ahayd ee gobolada bari waa in la maashaariiceeyaa. Waa in miisaaniyada la goboleeyaa oo hoos loo daadejiyaa.”
Fadhigaas waxa ka soo xaadiray 46 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xubnood ee golahaahi ka kooban yahay. In  la ansixiyo miinaaniyad sannadeedka 2016-ka  oo lagu daray lifaaqa iyo soo jeenta golaha wakiilada, waxa ogolaaday 40 xildhibaan, waxa diiday  5 xildhibaan, cid ka aamusatay may jirin, gudoomiyuhuna muu caodayn. Sidaana waxa golaha wakiiladu cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen odoroska miisaaniyad sannaddeedka 2016-ka  oo mudooyinkii u dambeeyayba golahaas hortaalay.
Dhinaca kale, Miisaaniyad sannadeedkan ayaa waxa lagu soo dib xildhibaanad ugu soo dareen kharashaad ugu jiray ururka suxufiyiinta ee SOLJA, oo ay hore guddida dhaqaalaha ee golahaasi sheegeen in ay miisaaniyada ka saareen. Kharashaadkan ugu jira ururka suxufiyiinta ee SOLJA ayaa waxa miisaaniyada ku xusan in lagu dhisi doono dugsi lagu barto culuumta saxaafadda oo Somaliland yeelan doonto.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply