Komishanka Oo Sharaxay Hanaanka Ay Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaashu Uga Hirgalayso Somaliland

0
406

Hargeysa (Dawan)-  Komiishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyay maalinta ay umuddeeyeen in ay dalka ka bilaabanto hawsha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland. Komishanka doorashooyinku waxa uu arrintan ku shaaciyay kulan ballaadhan oo ay goob joog ka ahaayeen axsaabta qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID Iyo WADDANI, waxaanay komiishanku sheegeen in wakhtiga rasmiga ah ee la bilaabayo diIwaan-gelinta codbixiyeyaashu ay  tahay 16/1/2016 ee sannadkan.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman Warsame oo isagu ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay wakhtiga rasmiga ah ee la  bilaabi doono diiwaan-gelinta codbixiyayaasha waxaanu yidhi “Xarunta komiishanka doorashooyinka qaranka waxay maanta (shalay) halkan u taagan yihin in ay shaaciyaan wakhtiga ay dalka ka bilaabmayso diiwaan-gelintii, waxaanay bilaabmaysaa 16/01/2016 waxaanay ka bilaabmaysa gobolka Togdheer,oo ah gobolka ugu horeeya gobolada taariikhduna ay tahay,16/1/2016 markaa taasanu iclaaminaynaa annaga oo dhan oo u taagan komiishankii doorashooyinka iyo waliba asxaabtii siyaasaddaba.”
“Gobolka Togdheer, ayaa bilaabmaya 28-cisho ayaanay soconaysaA oo xidhiidha,gobolka Awdal, ayaa ku xigi doona isagana 28-cisho,waxaana ku sii xigii doona gobolLada Saaxil, Maroodijeex, Sanaag, waxana ugu dambayn doona gobolka Sool sidaas-b baynu qorshaha gashanaynaa,dadweynaha iyo dawladda iyo cid kasta oo ay khusaysaba waxaanu u sheegayna in sidaas ay isugu xigayaan,sidaasna ay ugu diyaar-garoobaan,”ayuu yidhi Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay  “Farsamo ahaan labada gobol ee wadankeenna ugu waaweynina waa Maroodijeex iyo gobolka Togdheer, gobolka Maroodijeex agabkii aanu u haynay,ee aanu ku hawlgali laheyn waa uu ka yaraaday,waxaanu farsamo ahaan qorshaynay inaanu ku qorsheynoo Saaxiil oo qalabku ku batay,oo laba degmo,oo Maroodijeexa aanu u dirnay xaga gobolka Saaxil. Markaa  marka ay ka dhacayso Saaxil waxay isku mar ka dhacaysaa degmada Baligubadle iyo degmada Gabiley waxaa ay raacayaan gobolka Saaxil,waxa ay ka tirsan yihiin macno ahaan gobolka Maroodijeex,laakiin farsamo ahaan qalabka iyo agabka iyo farsamada isla eegnay,waxaanu u dejinay  inay gobolka Saaxil raacdo.”
Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Halka gobolka Togdheerna uu yahay gobol aad u weyn,kuna soo xiga gobolka Maroodi-jeex,in degmada Buuhoodle oo iyaduna ka kooban guud ahaan,22 goobood in aanu iyadana u leexino dhanka gobolka Sool,oo farsamadii markii aanu eegnay ay iyaduna baaxadii gobolka Togdheer buuxin wayday iyaduna,markaa labadii gobol ee ugu waaweynaa midna laba degmo ayaanu ka goynay midna  hal degmo ayaanu ka goynay,oo aanu raacinay goboladii ku xigayay.”
Sidoo kale waxa iyaguna soo dhaweeyay bilowga diiwaan-gelinta wakiilo ka kala socday saddexda xisbi qaran, kuwaasi oo kala ahaa Xasan Gaafaadhi, Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qoddax). Gobolka Tog-dheer ee diiwaan-gelintu ka bil;aabmayso waxa loo asteeyay 163 goobood.
By: Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply