Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ku Soo Saaray Muddaynta Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

0
434

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa muddeeyay wakhtiga ay dalka si rasmi ah uga bilaabmayso diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.
Sida uu war-saxaafadeedkan ku caddeeyay  afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cigge, waxaanu u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku mudeeyey wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto.
 
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 28aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;
Markuu Tixgeliyey:Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay GDQ/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016, ujeeddadiisuna tahay Codsi Ku-dhawaaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;
Wuxuu Go’aamiyey : In Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto Gobolka ugu horreeya oo ah Gobolka Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.ALLAA MAHAD LEH.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply