Wasiirka Warfaafinta Oo Xilkii u Kala Wareejiyay Maareeye Ku-xigeenkii Hore Ee SLNTV Iyo Ka Cusub

0
401

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta  Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir  (Cukuse) ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyay maareeye ku xigeenka cusub ee Telefiishanka qaranka Mustafe Maxamuud  Qodax iyo maareeye ku xigeenkii hore  Qaasim Xasan Mataan.
Xafladda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta, shaqaale weynaha wasaaradda iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, ayaa ugu horrayn hadal ka jeediyay munaasibadaasi, waxaanu soo dhaweeyay maareeye ku xigeenka cusub ee Telefiishanka, isaga oo sii sagootiyay maareeye ku xigeenkii hore.
“Guddidii hawsha shaqaalaha gacanta ku haysay oo ay guddoomiye u tahay Wasiir ku xigeenku, caqabadihii tirada badnaa ee soo maray, iyo kuwii xaasidiinta ahaa ee dabada jiidi jiray guddida  ee shaqadooda xaasidi jiray, waxaanu ILLAAHAY uga baryaynaa in ay caddaalada shaqaaluhu suuro-gasho oo uu labada gacmood ka qabto kuwa xaasidiinta ah,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in guddida loo xilsaaray tayaynta shaqaaluhu ay soo gorfaysay isla markaana ay tallo ka geentay, loona baahan yahay in ay hirgasho, waxaanu yidhi “Guddidu tallo ayay keentay, waxaanan ku rajo-weyn nahay in labada maalmood ee soo socda aynu soo saarno talladaas, waxaynu sugaynaa qiimayntooda oo ay hal qoddob ka hadhsan tahay.”
“Waynu naqaanaa shaqaaleheenna, xeradeenna oo kaliya marka aad marto, waynu naqaanaa inta shaqaale ee ku sugan shaqada, inta aynu meel u dirnay iyo inta soo xaadirta maalinta ay qasnajiyiintu ay lacagta bixinayaan,” ayuu yidhi Wasiirku.
Maareeye ku xigeenkii hore ee telefiishanka qaranka  Qaasim Xasan  Mataan, ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay, waxaan ammaan ballaadhan u soo jeediyay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanu yidhi “Maanta waxay ii tahay maalin farxad ah, in aan maro sunnaha dawladnimada oo ah xil ka qaadis iyo xil u magacaabis, xilku maaha wax lagu waaro, qof kasta oo xil loo magacaabana wakhti ayuun buu haynayaa, ama sannado ha noqoto ama bilo ha noqotee, aniguna wakhti fiican ayaan ku soo qaatay wasaaradda warfaafinta intii aan joogay.”
 
 
Maareeye ku xigeenka cusub ee Telefiishanka qaranka  Mustafe Maxamuud  Qodax ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Ugu horrayn waxaan u mahad-naqayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo mar kale digreeto madaxweyne igu magacaabay intii uu tallada dalka hogaaminayay, oo sida aad markhaatiga ka tihiin, markii uu tallada dalka ku guulaystay aan ka mid ahaa dufcaddii ugu horaysay ee agaasimayaasha guud noqday, oo aan ka mid ahaa agaasimayaashii dhalinyarada ahaa ee uu magacaabay, aniga oo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.”
Mr. Qodax waxa uu shaqaalaha iyo madaxda TV-ga qaranka u soo jeediyay inay ula shaqeeyaan sidii ay ula soo shaqeeyeen maareeye Ku-xigeenkii hore.
By: Axmed M.Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply