“Waxaad Moodaa In WADDANI Ku Sii Socdo Jufo Iyo Afar Ilmaadeer Ah”

0
363

Hargeysa (Dawan)- Musharrax Maxamed Xirsi Guuleed oo hore u shaaciyay inuu u taagan yahay murrashaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa saluug xoogan ka muujiyay hanaanka xisbigaasi, waxaanu  ku tilmaamay mid qabiilaysan oo dano gaar ah lagu hoggaaminayo.
Maxamed Xirsi Guuleed oo shalay u waramayay Telefishanka bulsho TV ,ayaa waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI ay ka jirto qabyaalad, kooxaysi  iyo shakhsi jeclaysi, waxaana uu carabka ku dhuftay in hogaanka xisbigaasi  uu ku fashilmay inay soo bandhigaan siyaasad cad oo umadda ay ku kasbadaan.
“Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo xisbiga WADDANI  ee aan murrashaxa ka ahay, waxaanay ila tahay in wax badani ka dhiman yihiin xisbiga. Taas oo ay sabab u yihiin hogaanka xisbiga oo ay tayadiisu liidato, isla markaana awoodi waayay in ay la yimaadaan siyaasad horumarsan, si uu u buuxiyo rabitaanka bulshada Somaliland,”ayuu ku dooday Maxamed Xirsi.
Murashax Maxamed Xirsi waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaad moodaa in xisbiga WADDANI  ay ka jirto shakhsi jeclaysi, kooxaysi iyo qabyaalad, taasina waa waxba la’aan, mana rabno xisbi qabiilaysan oo danno gaar ah wata oo  kursi  jeclaysi ka muuqdo. waxa aad moodaa in WADDANI  ku sii socdo jufo, jufana waa afarta ilmaaadeerka ah ee ismo dhaantada ah.”
Maxamuud Xirsi Guuleed waxa uu ku tilmaamay tanaasulkii Cabdisalaan Yaasiin mid reernimo ah oo uu ku deg-degay, waxaanu yidhi  “Waxaan qabaa Cabdisalaan Yaasiin wuu ku deg-degay tanaasulkaa uu ku dhawaaqay, xili uu tanaasulkiisu bislaado may ahayn oo uu bulshadda u soo bandhigo, oo uu toban cisho kaga noqdo. Haddii la mustafeeyay oo la yidhi inaadeer noo tanaasul waa isaga iyo aqoonsiisa.”
Murrashaxan ayaa ilo wareedyo looga qaateen ah oo ka tirsan xisbiga WADDANI wargeyska DAWAN, u xaqiijiyeen in aanu ka tirsanayn xubnaha Golaha dhexe ee xisbigaasi, hase yeeshee uu yahay  mid ka mid ah taageereyaasha caadiga ah ee xisbiga WADDANI. Waxa kale  oo warku intaas ku daray in murrashaxnimadiisa aanu wax saamayn ah ku lahayn xisbiga dhexdiisa hase yeeshee uu ololihiisu ka socdo dhinaca warbaahinta oo kaliya.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply