Biyaha Diirani Way Ka Caafimaad badan Yihiin Kuwo Qabow!

0
462

Biyaha ayaa ah curiyaha H2O kaasi oo aanu jidhku ka maarmi Karin. Unugyada jidhka ayaa u baahan inay helaan biyo ku filan si ay ugu adeegsadaan dheefshiidka cuntada iyo qashin saarkaba.
Qofku maalintii waa inuu isticmaalo biyo ku filan si aanu jidhk u qalalin, taasi oo keenta xanuuno badan sida kelya xanuunka. Maxaa yeelay biyaha ayaa kelyaha ka taageera inay sunta ka nadiifiyaan jidhka isla markaana ay sameeyaan qashin saar. Caabitaanka biyahasi badani waxay sababaan in xataa qofka aanay ku dhicin xanuunada caloosh joojiya, taasi oo la sheegay in dadka dunida ku nool 75% ay ka cabanayaan.  Waxa kale oo laga digay biyaha macaan in la badasado ama kuwa ay ku badan yihiin soodhuhu iyo kuwa weliba lagu daray sonkorta.
Cilmi baadhis badan oo ay khubaro kala duwani sameeyeen ayay ku cadeeyeen in biyaha cabitaanka ku wanaagsani ay yihiin kuwa kulul ama diiraan. Waxayna sheegeen in xataa dadka miisaankoodu kordho haddii maalinkii uu cabo koob biyo diiran ah, ka hor quraacda ay taasi sababto in miisaanka qofka isticmaalay hoos u dhaco. Cilmi badhista ayaa sheegtay inay taasi tahay iyadoo maadooyin caawiya baruurta ay hoos udhacdo taas oo sababta in qofku uu miisaankiisuna hoos udhaco.

Leave a Reply