Carruur Qaxooti ah oo Meel loo Raadinayo

0
393

Xildhibaano ayaa guud ahaan taageersan istiraatiijiyadda dowladda ay dib u dejinta ugu sameynayso 20,000 ee qaxootiga Suuriya ee taagta daran ee ku sugan wadammada sida Urdun, Turki iyo Lubnaan, iyadoo sidoo kale gargaar dheeri ah u diraysa gobolka.
Hasayeeshee waxa ay ka walaacsan yihiin in aan wax weyn laga qaban sidii lagu caawin lahaa carruurta ku sugan gudaha Yurub, kuwaasi oo intooda badan aysan la socon dad qaangaadh ah.
Xildhibaanada ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta Talyaaniga ay ku qiyaaseen ilaa 4,000 oo ka mid ah carruurtani in la waayay meel ay ka baxeen sanadkii 2014-kii.
Guddoomiyaha guddigan, Stephen Twigg, ayaa sheegaya in uu jeclaan lahaa in dowladdu ay qaadato 3,000 oo ka mid ah carruurtan halista ku jirta, tiradaasi oo ka badan 20,000 ee ay dowladdu sheegtay in ay dib u dejin u sameynayso marka la  gaadho sanadka 2020-ka.
Dhanka kale guddigan ayaa Britain ku amaanay in ay gobolka ugu deeqday gargaar gaadhaya 1.1 bilyan oo giniga istarliinka ah, taa oo ka dhigaysa Britain in ay noqoto waddanka labaad ee bixiyay deeqda ugu badan.
Guddigu waxa uu taageeray aragtida dowladda ee ah in haddii xaalado wanaagsan loogu abuuro qaxootiga agagaarka Suuriya ay ka hortegi doonto in dadka qaxootiga ah ay soo galaan safar dheer oo halis ah.
Waxa uu guddigu ugu baaqayaa wadammada qaniga ah sida Faransiiska, Talyaaniga iyo Japan, in ay kordhiyaan lacagaha ay ku bixiyaan gargaarka bini’aadamnimo.
 

Leave a Reply