Dalalka Carbeed ee Xidhiidhka u Jaray Iiraan

0
386

Kuwait ayaa ku  biirtay dalalka kale ee xulufada la ah Saudi Arabia ee qaaday  tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah Iran, kadib markii dibadbaxayaal ka cadheysan dilka wadaad Shiico ah ay weerareen safaaradda Saudi Arabia ee Tehran.
Wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA ayaa sheegtay in Kuwait ay u yeedhay safiirkeedii Tehran, ayna ku celisay taageerada ay u heyso dhammaan tallaabooyinka ay qaadday Saudi Arabia ee ay ku sugeyso ammaankeeda.
Tallaabadan, ayaa ka dambeysay markii sidoo kale ay Iran xidhiidhka diblomaasiyadeed u jareen dalalka Saudi Arabia, Bahrain iyo Sudan, halka Imaaraadka Carabtana ay hoos u dhigeen xidhiidhka. Dhammaan afartan dal ayaa xubno ka ah ururka Jaamacadda Carabta, oo axadda qaban doono kulan gaar ah oo arrintan ku saabsan.
Sacuudiga ayaa gooyay xidhiidhkii uu la lahaa Iran, kadib markii Sacuudiga xukun dil ah uu ku fuliyay Nimr al- Nimr oo ah Sheikh Shiica ah.
Waddamada Bahrain, Sudan iyo UAE oo Sacuudiga la jira ayaa u jaray ama hoos u dhigay xidhiidhkii Tehran.
 

Leave a Reply