Golaha Ammaanka oo Cambaareeyay Dibadbaxayaasha Iiran

0
412

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xoog leh u cambaareeyay weerarka ay dibadbaxayaasha Iran ku qaadeen safaaradda Sacuudiga ee Tehran, taasoo keentay muran diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya labada dal.
War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa walwal culus ka muujiyay weerarka, wuxuuna ku dhiirigaliyay Iran in ay ilaaliso xafiisyada diblomaasiyadeed.
Ma soo hadal qaadin dilka Sacuudiga Carabiya ee sheekha shiicada muslimka ahaa ee Nimr al-Nimr oo rabshadaha dhacay maalintii Sabtida ay ka dhasheen.
Safiirka Sacuudiga ee Qaramada Midoobay Cabdallah al-Mouallimi ayaa beeniyay in muranku uu majaxaabin doono dadaalka nabadeed ee Syria iyo Yemen

Leave a Reply