Hablo Aan Wada Dhalan Oo Haddana Is Shabaha!

0
532

Gabadha Irland ee Lunergan oo 21 sano ah ayaa la kulantay gabadh aad ay isugu eeg yihiin oo lagu magacaabo Sara oo 17 sano jirtay. Hablahan ayaa ku kulmay magaalda Dublin sida uu daabacay wargeyska Daily Mail. Waxayna noqdeen kuwo yaab leh markii ay dhinacyo badan iska shabaheen.
 
Waalidintood ayay xataa ku  noqotay wax adag sidii ay u kala garan lahaayeen. Hablahan ayaa iska shabaha timaha, indhaha, wejiga, dibnaha iyo xataa dhaqdhaqaaqa. Waxa keliya ee ay ku kala duwanaadeen ayaa noqday iyagoo kala ah laba qof.
Qofka kasta oo arka labadan hablood ayaa u qaata inay yihiin mataano wada dhashay laakiin xaqiiqdu maaha sidaasi ee waa laba hablood oo aan wax xidhiidh qoysnimo ah wadaagin.

Leave a Reply