Ingiriiska oo Aqoonsaday Nin ku Jiray Muuqaal ay Baahisay Daacish

0
398

Sirdoonka Britain ayaa warbaahinta u sheegay in ay rumeysan yihiin in ay aqoonsadeen ninkii sida weyn looga shakisnaa ee ka soo muuqday cajaladdii ugu dambeysay ee borobogaandada aheyd ee ay soo dirtay Kooxda Dowladda Islaamka.
Siddartha Dhar ayaa ahaa Hindu ku noolaa bariga London, waxa uuna qaatay diinta Islaamka islamarkaana waxa uu la baxay Abuu Rumaysah.
Wareysi ay la yeelatay BBCda bishii Agoosto ee 2014-kii ayaa waxa uu aad ugu taageeray kooxda isugu yeedha Dowladda Islaamiga ah.
Bil kaddib Dhar ayaa waxaa loo xidhay eeda ah in uu taageerayay kooxda xagjirka ah ee Al-Muhaajiruun hasayeeshee waxa uu ka baxsaday gacanta booliska kaddib markii damiin lagu sii daayay waxa uuna galay Suuriya.
Qof ay ninkaasi saaxiibo ahaayeen ayaa BBCda u sheegay in uusan shaki ku jirin in codkaasi uu yahay isaga.
Gabadh la dhalatay Dhar ayaa iyana sheegtay in markii ay maqashay codka ku jiray muuqaalka ay markii horaba u malaysay codka walaalkeed balse aysan arrintaa xaqiijin karin.
Ma aysan jirin wax si rasmi ah u xaqiijinaya haybta ninka wejiga duubtay.
Siyaasadda Mi5 kuma jirto in ay xaqiijiyaan ama beeniyaan macluumaad ku saabsan baadhitaan socda.
Ninkan Hindiga ah ee kasoo muuqday Muuqaalka ay soo dirtay Daacish ayaa Warbaahinta Britain qaarkood ugu yeedheen in uu yahay John Jihadiga Cusub, kadib markii Duqeymo ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka lagu dilay Jihadi John oo heestay Dhalashada Britain una qaabilsaa Daacish qoor goyta dadka reer Galbeedka ah.

Leave a Reply