Mareykanka oo uga sii Digay Sucuudiga Cawaaqibka Dilkii Sheekha

0
410

Maamulka madaxweyne Obama ayaa saraakiisha Sacuudiga uga digay suurta-galnimada cawaaqibka ka dhallan kara khaarijinta wadaad Shiico ah, oo dhimashadiisa ay ruxday bariga dhexe, islamarkaana dibadbaxyo ka dhalisay dunida, sida uu sheegay afhayeenka aqalka cad, Josh Earnest.
“Waxaa jira walaac toos ah oo saraakiisha Maryekanka ay kusoo qaadeen saraakiisha Saudi Arabia, oo ku saabsanaa waxyeelada ka iman kartay dilka Sheekh Nimr al-Nimr” ayuu yidhi Earnest.
“Kani waxa uu ahaa walaac aan horey ugu sii sheegnay Sacuudiga, balse nasiib darro, walaacii aan muujinay waxaa ka dambeeyey cawaaqbikii aan ka walaacsaneyn” ayuu yidhi afhayeenka aqalka cad .
Afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, John Kirby ayaa sidoo kale ku celiyey faallooyinka Aqalka Cad, isaga oo sheegay inay si gaar ah uga walaacsanaayeen in dilka Sheekh Nimr ay xiisad diimeed ka dhallin karto bariga dhexe.

Leave a Reply