Qunsuliyadda Turkey-ga Oo Nidaam Cusub u Dejisay Fiiseyaasha Dalkooda Loogu Safrayo

0
396

Hargeysa(Dawan)-Dawladda Turkiga ayaa wax ka bedashay nidaamka loo bixiyo fiisaha dalkooda.Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa tafaasiil ka bixsay qorshaha cusub ee dadka reer Somaliland ay ku heli karaan fiiseyaasha Turkiga, sida lagu  war-saxaafadeed ay soo saaray wasaaraddu oo u qornaa sidan:-“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dawladda Jamhuuriyadda Turkey-ga ayaa soo saartay hab cusub oo lagu dalban karo fiisaha lagu galo dalka Turkey-ga taasoo si rasmi ah u dhaqan-gelaysa 5-ta bisha January 2016 oo shalay ku beegnayd.
Qoraal qunsuliyadda Turkey-ga u joogta Somaliland ay u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa lagu caddeeyay nidaamka cusub ee codsiga fiisaha Turkey-ga sidan hoos ku sheegan:-
1. Dadka u baahan fiisaha Turkey-ga ee aan qaadan karin fiisaha elaktarooniga ah/E-visa waxa laga doonayaa inay marka hore ku codsadaan fiisaha (Fiisayaasha dhammaan ujeedooyinka socdaal) si Online-ah iyagoo ka codsanaya mareegta www.visa.gov.tr. (Ciddii u qalmi karta fiisaha elaktarooniga ah/E-visa faahfaahintiisa waxa laga heli karaa www.evisa.gov.tr/en/).
2. Kadib marka uu qofku sidan sare u codsado fiisaha, wuxuu booqanayaa xarunta Qunsuliyadda Turkey-ga ee Hargeysa sida ballanta loogu qabto.
3. Mudada codsiga ballanta ee Qunsuliyadda, codsadayaashu waa inay soo buuxiyaan dhammaan wixii shuruudaha ah, soona gudbiyaan wixii dukmentiyo ama caddaymo qoraal ah ee la xidhiidha codsigooda.
4. Codsade kasta waa inuu si shakhsi ah u dalbado ballanta fiisaha.
5. Araajida fiisaha marka la aqbalo ayaa la bixinayaa lacagta fiisaha; haddii la diido codsiga fiisaha, dib uma heli karo qofku lacagtii uu bixiyay ee fiisaha.
6. Dhammaan dadka codsanaya fiisaha waxa sidoo kale laga doonayaa inay haystaan caymis caafimaad socdaaleed shaqaynaya (Valid travel health insurance) oo ku siman mudada la filayo inay joogaan ama sii dhaafayaan Turkey-ga (Intended stay or transit).
7. Codsadayaasha iska yimaada Qunsuliyadda iyagoo aan ballan hore loogu samayn nidaamka Online-ka ah, lama aqbali doono, loomana adeegi doono.
8. Dhammaan Fiisayaasha dalku galka Turkey-ga waxa soo oggolaata Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkey-ga, sidaa darteed, dadka fiisaha codsanaya waxa laga rabaa inay codsiyadooda gudbiyaan ugu yaraan ka hor afar todobaad xilliga la fili karo in lagu socdaalo si looga badbaado wixii dhibaato ah.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply