SHarci Sweden Ku soo Rogtay Xadkeeda

0
408

Dadka ka tagaya Denmark una safraya Sweden, ayaa waxaa looga baahnaan doonaan inay tusaan kaararkooda aqoonsiga, laga billaabo Isniintii toddobaadkan.
Tallaabadan ay qaaday Sweden, ayaa ah isku day la doonayo in lagu joojiyo qulqulka muhaajiriinta aan sharciga haysan, ee dalka Sweden u galaya sababo la xidhiidha barnaamijkeeda ceydha.
Tallaabadan cusub ayaa ka dhigan in Sweden ay joojineyso siyaasaddii ay albaabka ugu fureysay muhaajiriinta, kadib markii 160,000 oo muhaajiriin ah ay sanadkii tagay gaadheen dalkaas. Dalka Denmark oo deris la ah Sweden, ayaa waxaa sanadkii tagay gaadhay kaliya 18,000 oo qof.
Dadka safraya ayaa waxaa looga digay inay fishaan safaf dhaadheer oo sugitaan ah, marka ay kasoo gudbayaan buundada dhinaca xuduudda Denmark ee Oresund, oo ah meesha ugu badan ee muhaajiriinta ay kasoo galaan dalkaas.
Dib usoo cusbooneysiinta maamulka xuduudda Sweden iyo Denmark ayaa waxa uu macnaheedu yahay in dadka isaga kala gudbaya labadan dal, ay qaadan doonaan baasbooro markii ugu horreysay muddo ka badan 50 sano.
Yurub ayaa waxaa ay wajaheysaa qulqulkii ugu badnaa ee qaxooti, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Leave a Reply