Waayaha Nolosha: Qoraallo Googgoos ah

0
2010

W/Q. Axmed Iid Aadan
Waxaan halkan inoogu soo gudbinayaa qoraallo kala duduwan oo aan waqtiyo kala duwan qoray, kuwaas oo ku saabsan arrimo nolosha la xidhiidha oo si uun innoo khuseeya suugaanina aanay ka madhnayn.
 Silsilad Maanso:
Silsilad maanso waxa lagu qeexi karaa dood maanso oo dhex-marta ugu yaraan laba abwaan, taas oo ay maansayahannada ay dhex-martaa ay kaga doodaan arrin ay ku kala aragti duwan yihiin, mid bana uu u arko si ka duwan sida uu ka kale u arko.
Suugaanta soomaalida waxa laga heli karaa silsilado badan, waxana silsiladahaa ugu caansan Guba, Hurgumo, Siinley iyo Deelley.
Siinley waxa ay ahayd silsilad qurux badan oo si qurux badan loogu dooday. Waxa wada bilaabay abwaanka caanka ah ee Cabdi Aadan Xaad “Cabdi Qays” iyo Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”. Silsiladdani waxa ay ahayd silsilad hufan oo ay garasho iyo aragtiyo aad u wanaagsani saldhig u ahaayeen. Mar waxa ay u ekayd jacayl mar kalena siyaasad. Af-Soomaali tayo leh ayaa wax lagu cabbirayey. Sarbeebi kama ay madhnayn, falsafadi kama ay madhnayn, kaftan kama uu madhnayn, halxidhaale kama uu madhnayn, xiisaha bulshada soomaaliyeed ee dhegaysataana in kor u kaco mooyee marna hoos uma dhaco.
Maansada sidaas u quruxda badan waxa ka qayb-galay maansayahanno waaweyn oo caan ah, hase yeesho ee berigaa dhallinyaro u badnaa. Waxa ka mid ah raggaas Cabdi-Qays, Hadraawi, Gaarriye, Xaaji Aadan Afqallooc, Siciid Saalax, Ibraahin-Gadhle iyo maansayahanno kale oo tirsi leh. In kasta oo uu maansayahan kasta oo silsiladdaa wax ku darsadayba kaalin fiican ka qaatay, haddana maansayahannada ay kaalmahoodu ugu muhiimsan yihiin uguna xiisaha badan yihiin waa Cabdi-Qays iyo Hadraawi, siiba Cabdi-Qays.
 Rag yaa u Kibir badan?
Waxa la yidhi, waxa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan beri u yimid nin murti badnaa oo la odhan jiray Sheekh Maxamuud Cali Qablax. Sayidka ayaa doonay in uu in uu wax ka ogaado xikmadda Maxamuud lagu sheegay, dabadeed wuxu Sayidku yidhi: “Maxamuudow rag yaa u kibir badan?” Maxamuud waxa uu ku jawaabay: “Kolba ka u ladan”. Sayidka ayaa haddana weydiiyey: “Rag yaa u caqli xun?”. Maxamuud wuxuu haddana ku soo koobay: “Kolba ka u ladan!”
Weydiimahaa Sayidka iyo jawaabaha Maxamuud Cali Qablax oo la isku daray ayaa waxa ay noqdeen murti dadka yaqaanaa marka ay u baahdaan ay soo qaataan, halkii ku habboonna ay u adeegsadaan. Waxa dhici karta in loo wada bogi karo murtidan amase lagu kala aragti duwanaan karo. Arrintaas waxa aan ku dhaafayaa waa qof iyo aragtidiis.
 Waddani iyo Sicirbararka:
Warsaxaafadeed taariikhdu markii ay ahayd 19kii Diisambar 2015  la faafiyey oo uu soo saaray xisbiga WADDANI ayaa waxa uu sicirbararka la sheegay in uu dalka ka jiro ku eedeeyey xukuumadda. Haddii uu sicirbarar jiro maxaa sababay waa in horta la isweydiiyo.
Sicirbararka arrimo dhowr ah ayaa sababa: arrimahaa qaar ka mid ah waxa ay ka dhashaan suuqa xorta ah iyo xoogagga ka dhex-jira (Demand and Supply). Qaar kalena waxa ay ka dhashaan tallaabooyin ay xukuumadda markaa jirtaa qaaddo. Markaa xisbiga WADDANI isaga oo aan soo bandhigin baadhis ku saabsan waxa sicirbararka keenay uun buu xukuumadda dhalliil ku qaadqaaday. Taasi markaa waxa ay u ekaan kartaa dhalliil saldhiggeedu yahay kaambayn.
Haweenay Fikiraysa:
Haweenay akhriska iyo qoraalka ku wanaagsan oo u dhalatay dalka India ayaa waxa ay ka hadashay dabeecadaheeda wax-akhriska la xidhiidha. Waxa ay tidhi: “Haddii uu qof iga codsado in aan kula taliyo buug fiican oo uu akhriyo waxaan dareemaa mas’uuliyad weyn. Waxa ay arrintaasi u eg tahay sida qof iga codsaday in aan kala taliyo qofkii uu jeclaan lahaa oo kale”.
Waxa kale oo ay sheegtay in ay jeceshahay in uu had iyo jeer ka ag dhowaado buugga ay akhriyeysaa. Waxa kale oo ay sheegtay haddii uu qof kala furo buugga ay markaa akhriyeyso oo uu eego halka ay akhriska marinayso in ay u aragto arrin xadgudub ah oo la mid ah sida qof, qof kale la sheekaysanayey oo sheekadoodii ay si qarsoodi ah cidi u dhegaysatay.
Waxay tidhi: “Waxan doonayaa in ay carruurtaydu qabatimaan wax-akhriska, maxaa yeelay akhriska buug fiicani waxa uu qofka ka dhigaa mid maskax badan, aqoon leh, ereyo badan garanaya, xirfaddiisa waxqoristu ay horumar samayso isla markaasna si fiican u fikira”.
Waxa kale oo ay sheegtay qofkii ka codsada in ay u yara dhiibto ama amaahiso buug ay akhriyeyso in aanay codsigaa ka aqbalayn. Waxay tidhi: “Codsiga jaadkaas ahi waxa laga yaabaa in uu igu kelifo in aan qofka u iibiyo buug la mid ah ka aan haysto ee uu iga codsaday in aan u yara dhiibo. Marnaba dhici mayso in aan qof u dhiibo ama ammaahiyo buug aan gacanta ku hayo”.
Innaga dadkeennu hadal uun bay ka shaqeeyaan oo in ay wax fiican qabtaan inta badan kuma dadaalaan, qofkii in uu wax wanaagsan qabto isku dayana waa ay niyadjabiyaan.
 Maahmaah Gabay lagu daray
Abwaannada Soomaalida qaar ka mid ah ayaa maahmaahda mararka qaarkood si qurux badan u adeegsada, oo inta ay farsameeyaan maansooyinkooda ku dara. Maahmaahda caanka ah ee ah “Libaax nin ganay iyo nin galladay kala og” waxa beri hore si qurux badan gabay ugu daray Faarax Cismaan Kowto oo yidhi:
Libaaxuba nin ganay waa yaqaan guutaduu timiye,
Gibilkiisa nabarkii ku dhaca geydhi loo dhimaye,
Hadduu soo gadaalkaco asuu nolol cid gaadhsiiyo,
Geshigiisa wiilkii qabuu foodda geliyaaye.
 Adkaysiga Geela:
Geelu abaarta waa uu uga adkaysi badan yahay xoolaha kale. Maansayahan Axmed Caynoosh ayaa beydadkan gabayga ah ku sheegay in marka adhigu baxo, lo’duna ay tabaalowda uu Geelu yahay ka ugu dambaysta soo hadho ee waxtarkiisa loo aayo. Waxa uu yidhi:
Marka adhi tirsiimadii hadheen dhaqasho loo tooyan,
Ee tacab ninkii moodayow lo’i tabaalowdo,
Ee Nugul tubaha ceelka iyo taagan yahay goob xun,
Ee waxa duleeddada laf togan tacajab loo yaabo,
Toobkaha hadhuubka ee la shuban Teeyoy adigaa leh.
 Af Soomaali Gurracan baa lagu Heesaa:
Heesaha dambe ee waqtiyadan danbe la sameeyo lana qaado, iyada oo aan miisaankooda la eeginba, haddii loo fiirsado afsoomaali ahaan bal inay si fiican oo naxwe ahaan sax ah macne buuxana leh u samaysan yihiin iyo in kale. Waxa marar badan la arkayaa in ayna afsoomaali ahaan meelaha qaarkood sax ahayn ama naxwe ahaan u khaldan yihiin. Haddii miisaankooda la eegana dhalliiluhu waa ay sii badanayaan.
Waxa yaab leh khaladaad yar yar oo fudfudud oo mararka qaarkood uu qofka caadiga ah ee aan maansayahanba ahayni arki karo in ka samaynaya iyo ka qaadayaaba ay arki waayaan. Dabadeedna waxa aad maqlaysaa iyada oo la leeyahay “abwaanka qarniga” ama “fannaanka qarniga” ama “alfannaan,” iwm.
 

Leave a Reply