Qofka Oo Fikiradda Dhibaatooyinka Ku Keliyeystaa Waxay Keentaa Xanuunada Wadnaha, Faaliga Iyo Kansarka

0
397

Khubaro Maraykan ah ayaa ka digay in la keliyaysto xiliyada ay dhibtu hayso qofka ama la soo deristo,waxaanay sheegeen in ay taasi keeni karto ama ay keento xanuuno halis ah oo ku dhaca qofka dhibtaasi soo wajahdey.
Xanuunada ay khubaradani ka digeen waxa kamid ah xanuunka wadne xanuunka,faaliga iyo Kansarka oo ah mid caalamka waqtigan aad ugu badan,waxaanay culimadan Saynisku sheegeen in qofka oo aan lahayn ama haysan qoys ama asxaab uu isku dhaafin karo mushkilada hadba soo food saarta fikirkeedu ay khatar ku tahay qofkaasi .
Dhanka kalena jimicsi la’aanta ,gaar ahaana dhinaca jidhka oo jimicsi la siiyo xiliga uu qofku yar yahay ayaa ah mid iyaduna keeni karta inuu qofkaasi macaan qaado xiliga uu gaadho da’da ama uu weynaado ,sida lagu sheegay daraasadaasi oo ahayd tii ugu dambaysay ee la sameeyo sannadkii galbaday ee 2015-kii laguna daabacay wargeyska New York Times kana soo xigta wargeyska Dawan.
Culimadan Sayniska ayaa ka kala socotay jaamacaddo kala duwan,waxaana hogaaminaayey khabiir ka hawl gala jaamacadda University of North Carolina,kuwaas oo awood saaraayey xidhiidhka ka dhexeeya bulshada iyo caafimaadka.
Khubaradan ayaa sheegay in qofka oo keli fikiraa ay dhici karto inuu dhiig ku furmo,sidoo kalena waxa dhici karta inuu jidhkiisu soo daayo Hormons ama dheecaano kala duwan oo khal khal ku keena dhiig wareega jidhka iyo shaqada dheef shiidka,kuwaas oo ah kuwa keenaaya inuu xanuunadan qofku si fudud u asiibaan.
Xeel dheereyaashan ayaa intaasi ku daray in qofka oo uu meesha ka baxo dadka uu kaashanayaa inay keento in qofkaasi caafimaad ahaan meesha ka baxo lana kulmo xanuuno badan .
Dr Kathleen Mullan oo ka tirsanaa khubarada baadhitaanada waday ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadka lagu dhiirigeliyo intay da’ahaan yar yar yihiin inay sameeyaan jimicsiyo kala duwan,kuwaas oo dhisaaya jidhkooda,kuwaas oo hadhow kaga badbaadi kara xanuuno kala duwan.
Daraasado hore oo la sameeyey ayaa lagu sheegay in qofka oo noqda bulshaawi in ay keento in uu dheeraado cimri ahaan,isaga oo ka badbadi kara canuuno badan oo khatar ku ah caafimaadka dadka.

Leave a Reply