Hargeysa (Dawan): Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo ah mudane ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa soo dhaweeyay diiwaangelinta cod-boxoyeyaasha oo la filayo in ay 16-ka bishan ka bilaabanto gobolka Togdheer. Waxaanu sheegay xildhibaanku in madaxweyne Siilaanyo uu awood u leeyahay inuu go’aan ka gaadho qabashadda diiwaangelinta cod-bixieyaasha, isagoo talaabo wanaagsan ku tilmaamay go’aankii uu madaxweynuhu ku raacay gudidda doorashoyinka ee ku aadan qabashada diwaangelinta codbixieyaasha. Xildhibaan C/qaadir Xaamud oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, Cabdiqaadir Jaamac isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxweynaha dastuurka ayaa u baneeyay, qodob dastuuriya ayaana siinaya in go’aanka ugu danbeeya uu isagu leeyahay. Waana shaqo u taalla koomishanka doorashooyinka qaranka. Qabashada diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha haddii ay u arkeen in dhibaato ka imanayso magaaladda Buuhoodle in diiwaangelinta cod-bixiyayaasha laga qabto, mar haddii madaxweynihii qaranku uu ku raacayna wax dhib ah uma arko.”
Sidoo kale, xildhibaan Cabdiqaadir waxa uu u soo jeediyay dadweynaha gobolada Barri ee dalka in ay qaataan kaadhka diiwaangelinta cod-bixieyaasha, si ay u codeeyaan marka la gaadho wakhtiga doorashooyinka, isla markaana ay u helaan waxa ay xaqqa u leeyihiin ee ay doonayaan.
“Waxaa fooda inagu soo haysa qaadashadii kaadhka diiwaangelinta cod-bixieyaasha, markaa waxaan u soo jeedinayaa dadka goboladda Barriga inay qaataan kaadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha, oo ay is-diiwaangeliyaan. Si ay u codeeyaan, oo ay u helaan waxa ay doonayaan. Waxaanan rejaynayaa inay iska xil saari doonaan, sidii ay uga qaybgeli lahaayeen diiwaangelinta, waayo waa hawl qaranka u muhiim ah”ayuu yidhi xildhibaan C/qaadir Xaamud.
Dhinaca kale, xildhibaan Xaamud waxa uu soo dhaweeyay heshiiskii ay dhawaan magaaladda Caynaba xukuumadda ku kala saxeexdeen beel ka mid ah beelaha degga gobolka Sool, heshiiskaasi oo uu ku tilmaamay mid muhiim ah. Xildhibaan Xaamud, oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waan soo dhaweynayaa heshiikii xukuumada ay kala saxeexdeen beel ka mid ah beelaha gobolka Sool, ee ay ku kala saxeexdeen magaaladda Caynaba. Waxaanu ahaa heshiis muhiim u ah Somaliland. Somaliland waxay ku nabad iyo caano maashay wada hadal iyo is-faham, waana waxyaabaha Somaliland heerkaa ay ku soo gaadhay.”
Dawannews Hargeysa office