Suuqa Saamiyada Shiinaha oo Kordhay

0
416

Suuqa Saamiyada ee Shiinaha ayaa waxaa ku korodhay boqolkiiba in ku dhow laba marka laga gudbo in xasilooni daro ay ka jirtay suuqa saamiyada.
Waa maalintii ugu horeysay ee uu dhaqan galo in laga noqdo xeer ay dowladda shiinahu suuqa saamiyada khasaaraha uga ilaalinaysay oo todobaadkan laba goor suuqa xidhay.
Lacagta shiinaha ayaa qiimaheedu kordhay ka dib markii uu bangiga dhexe ee shiinaha uu kordhiyay dulsaarkiisa tilmaanta ah, taas oo soo afjartay  lacagta oo qiimaheedu uu hoos u dhacayay siddeedii maalmood ee ugu danbeysay.
Suuqyada kale ee saamiyada ee Ayshiya ayaa xoogaa iyana kor u kacay marka laga reebo suuqa saamiyada ee Japan ee NIKKEI oo isagu hoos u dhacay boqolkiiba eber dhibic shan.
Suuqyada saamiyada ee Yurub ayaa shalay subax ganacsigii wax yar kor u kacay.
Welwelka laga qabo dhaqaalaha Shiinaha ayaa horseeday in maalmo ay hoos u dhacaan suuqyada saamiyada caalamka oo dhan.
 

Leave a Reply