Dardargelinta Wadahadalada Suuriya

0
766

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan waddanka Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa wadahadalo waxa uu u joogaa magaalada Dimishiq ee waddanka Suuriya.
Wadahadaladan aya ku saabsan wada xaajoodka nabadda ee u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha mucaaradka ee la filayo in ay qabsoomaan dhammaadka bishan.
Bishii Diseembar ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu taageeray qorshe jadwal loogu dejinayo soo afjaridda colaadda dalka Suuriya.
Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa u sheegay Mr de Mistura, in ay khasab tahay in dowladda Suuriya ay qaaddo tallaabooyin muujinaya niyad sami sida in ay joojiso duqeymaha ka dhanka ah deegaanada ay deggan yihiin dadka rayidka ah ka hor inta wada xaajoodku uusan bilaaban.
Dhanka kale, waxaa jirto cabsi ah in xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Sucuudiga oo kala taageera labada dhinac ay wax u dhimi karto horumar laga gaadho wada xaajoodkani.
 
 

Leave a Reply