Nin ka Ganacsada Daroogada oo loo Dhiibayo Mareykanka

0
443

Dowladda Megsiko ayaa bilaabeysa hannaan ay Mareykanka ugu gacan-gelineyso ninka daroogada ka ganacsada ee Joaquin Guzman (El Chapo).
El Chapo ayaa dib loo qabtay Jimcihii ka dib markii isaga oo adeegsanaya god uu qotay ka baxsaday xabsi Megsiko ku yaalla oo aad loo ilaaliyo lix bilood ka hor.
El Chapo ayaa hadda lagu hayaa xabsigii uu ka baxsaday bishii July, balse waxaa suuragal ah in aanu muddo badan kusii jiri doonin.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Megsiko ayaa sheegay in hadda uu bilaabay hannaanka ninkaasi loogu wareejinayo gacanta dowladda Mareykanka.
Arrintaasi ayaa la xidhiidha laba codsi oo uu Mareykanka sameeyay sanadkii lasoo dhaafay, kuwaasi oo ay dowladda Megsiko ansixisay maadaama uu jiro iskaashi ay labada dal ka leeyihiin is-dhaafsiga dadka ay doonayaan.
Lama shaacin waqtiga la wareejinayo El Chapo, balse khubarada ayaa sheegaya inuu hannaanka qaadan karo bilooyin.
Mareykanka ayaa doonaya in El Chapo uu ka ogaado xog ku saabsan ganacsigiisa daroogada iyo saraakiisha Megsiko ee uu xidhiidhka la leeyahay ama uu lacagaha siiyo.
Qareennada u doodaya El Chapo ayaa racfaan ka qaadan kara go’aanka dowladda.
 

Leave a Reply