Rabshado ka Taagan Jarmalka iyo Go’aan Dawladda ee soo Galootiga

0
385

Magaalada Cologne ee Dalka Jarmalka waxaa ka taagan rabshado xoogan oo ka dhashay faraxumeyn loo geestay haween ka qeyb qaadanayay xaflado lagu soo dhaweenayay habeenka Sanadka Cusub, waxaana faraxumeyntaasi lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaxooti kasoo jeeda Siiriya iyo Waqooyiga Afrika.
Tir badan oo haween ah ayaa la sheegay in ay weeraro kala kulmeen dhalinyaro qaxooti ahaan ku tagay dalka Jarmalka, waxaana dhalinyaradan oo kasoo jeeda Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika ay faraxumeyn iyo kufsi u geestay haween badan sida booliiska laga soo xigtay.
Shacabka Jarmalka gaar ahaan kuwa cunsuriyiinta ee naceb islaamka iyo muhaajiriinta ayaa bilaabay banaanbaxyo rabshada wata, waxaana maalmihii lasoo dhaafay banaanbaxyo ay ka socdaan magaalada Colegne iyo magaalooyin kale.
Ciidamada amaanka iyo dadka dibad baxyada dhigaya waxaa dhax maray isku dhacyo , ciidamada ayaana dadkan cunsuriyiinta ah u adeegsaday biyaha booyadaha firdhiyaan iyo sunta dadka ilmada ka keenta, waxaana wali lasoo sheegayaa in bananabaxyada ay yihiin kuwa socda.
Booliiska ayaa xidh xidhay tiro badan oo la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen faraxumeynta loo geystay haweenka u dabaal degayay habeenka sanadka cusub, waxaana Dowlada Jarmalka  wadaa qorshe ah in dalkooda loo musaafuriyo kuwa falkan ku lug yeesha.
Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, oo ka cadhootay faraxumeyntii ka dhacday magaalada Cologne ayaa soo jeedisay in isbeddel adag lagu sameeyo sharciyada dadka soo galootiga ah ee Jarmalka ku nool.
Waxey soo jeedisay in la helo sharciyo fududeynaya in la masaafuriyo dadkaas haddii ay dambiyada ka geystaan gudaha Jarmalka, waxa ayna ku baaqday in lasoo qabto kooxihii ka dambeeyay faraxumeyntii dhacday habeenkii sanadka cusub soo galayay.
Xiisada ka dhalatay faraxumeynta lagu eedeeyay dadka qaxotiga ku ah dalka Jarmalka ayaa sii hurisay naceybka markii hore loo qabay dadka Muslimiinta ah iyo kuwa muhaajiriinta ah ee kusoo qul qulayay qaarada Yurub.

Leave a Reply