Mudaharaad ka Dhacay Hong Kong

0
442

Kumannaan qof ayaa waxa ay dibadbax ku qabsadeen magaalada Hong Kong, si ay u muujiyaan cadhadooda ku aaddan shantii qof ee buugaagta gadi jirtay ee la waayay, kuwaasi oo loo malaynayo in lagu hayo gudaha waddanka Shiinaha.
Dhammaan shanta nin ayaa waxaa lala xidhiidhiyay meel lagu daabaco buugaagta oo ku taal Hong Kong oo lagu gado buugaag ay ku qoran yihiin waxyaabo lagu naqdinayo dowladda Shiinaha.
Saddex ayaa lagu waayay gudaha Shiinaha, midna gudaha Thailand halka midka shanaadna meel uu jaan iyo cidhib dhigay la waayay mar uu booqanayay bakhaar ku yaal Hong Kong.
Dibadbaxayaasha oo isugu soo uruuray xafiiska Beijing ee Hong Kong, ayaa ka cabsi qaba in Shiinuhu uu isku dayayo in uu wiiqo xorriyada gaarka ah ee deegaankooda, taasi oo la damaanad qaaday markii ay Britain ku wareejinaysay Shiinaha.
 
 

Leave a Reply