Dawladda Itoobiya Oo Soo Daysay Xubno ka Tirsan Shaqaalaha Caafimaadka Somaliland

0
421

Hargaysa(Dawan):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa ka hadlay saddex qof oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaraddiisa, dirawal iyo gaadhi ay  hawl shaqo u wateen oo soohdinta dalalka Itoobiya iyo Somaliland ay ka qabteen Ciidanka Federaalka Itoobiya oo  saddex  habeen ku xidhnaa Harta Sheekha, laba habeena lagu hayay magaalada Jigjiga oo la soo daayay isla markaana uu xalay  fiidkii  dib ugu soo laabtay  Caasimadda Somaliland ee Hargeysa,  ka dib markii uu magaalo xuduudeedka Wajaalle oo  uu maro xadka ay labada dal wadaagaan uu kagala soo wareegay masuuliyiinta dalka Itoobiya ee gacanta ku hayay sadexda hawl-wadeen ee ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo dirawalka gaadhiga u wadayba.
Agaasimaha Guud  oo uga waramay Wargeyska DAWAN markii ay Hargeysa soo gaadheen,ayaa sheegay in shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo dirawalka gaadhiga u wadayba ay nabad qabaan isla markaana dhanka Itoobiya intii lagu hayayna si wanaagsan loola dhaqmay.
“Maxkamaddii waxba way ku wayday shaqaalahayaguna wax dambi ah  may lahayn Itoobiya intii ay joogeenna si wanaagsan ayaa loola dhaqmay.”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadku.
Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii watay. “Dawladda Itoobiya waan u mahad naqayaa sida wanaagsan ee ay ula dhaqmeen intii ay hayeen shaqaalahayaga waxaa kale oo ay si fiican ka yeeleen markii ay ogaadeen in ay shaqaale dawladeed yihiin oo aan dalka Itoobiyana wax dambi ah aan   ka gelin  laakiin khaladku  uu ka yimi oo kaliya dhanka xuduudka oo dhinac khaldamay mid uu yahayna aan toos  loo caddayn karayn waxay Dawladda Federaalka Itoobiya si wanaagsan noogu soo wareejisay shaqaalahayaga  ay xidhay, dirawalka iyo gaadhigii ay wateenba iyagoo wada nabad qaba imikana, waxaanu soo galay Hargeysa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply