Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa Oo U Bushaareeyay Bulshadda Ku Nool Caasimadda

0
410

Hargeysa (Dawan):   Meereyaha Wakaaladda biyaha  Hargeysa   Ibraahin Siyaad Yoonis,  ayaa   shaaca ka qaaday  in  caasimadda Hargaysa ay dhawaan heli doonto biyo ku filan, isla markaana ay  uu  dhamaad ku dhaw yahay mashuruuca  biyo balaadhinta ee Hargaysi.
Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa oo ay shalay xog-waran ay la yeesheen guddi hoosaadka arrimaha bulshadda ee golaha Guurtidda, kulankaasi oo ay ku wehelinaayeen agaasimaha maamulka ee wakaaladda Md. Maxamed Xaaji Xirsi, agaasimaha waaxda qorshaynta Axmed Barkhad.
 
 
Waxaanu sheegay Ibraahim Siyaad Yoonis, in bulshadda ku dhaqan Hargaysa ay dhawaan ka baxayaan biyo-la’aanta mudadda dheer haysatay.Maareeyaha oo  faahfaahin ka bixinayay kulankaasi iyo arrimihii ay iskula soo qaadeen waxa uu yidhi “Guddida aad baan u bogaadinaynaa in ay wax naga waydiiyaan hawsha aanu qaranka uga masuulka nahay. Guddida warbixin dheer oo faah-faahsan ayaanu ka siinay mashruuca biyo-balaadhinta Hargeysa. Inshaa’allaah Hargeysi dhawaan biyo la’aantaas ay mudda dheer ku jiratay way ka bixi doontaa.”Sidoo kale gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshada guurtida xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Xasan (Indho-indho) ayaa  sharaxaad ka bixinayay  kulankaas ay la yeesheen madaxda wakaaladda biyaha ee HargeysaWaxaanu  yidhi “Anagoo gudanayna xilkayagii aanu qaranka u haynay waxaanu kulan la yeelanay masuuliyiinta wakaaladda biyaha Hargeysa, oo uu ugu horeeyo maareeyaha wakaaladaas. Biyuhu waa shayga kowaad ee nolosha, muddo dheerna magaalada Hargeysa waxa ka jirtay biyo la’aan, arrintaasa waxaanu ayaanu masuuliyiintaas ka wada hadalnay.”
Xildhibaan Indho-indho waxa uu intaasi ku daray   “Runtii maareeyuhu wuxuu sheegay war farxad leh, isagoo noo muujiyay in ay jirto rajo wanaagsan, taas oo ah in Hargeysi dhawaan heli doonto biyo ku filan” ayuu yidhi guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshadda ee Guurtidda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply