Golaha Wakiiladda Oo Markii Saddexaad Ansixiyay Xeerka Madaniga Ah Ee Duulista Hawadda

0
383

Hargeysa (Dawan): Golaha Wakiiladda  ayaa markii saddexaad shalay   cod aqlabiyad ah ku ansixiyay   xeerka   madaniga ah ee arrimaha duulista  iyo  hawada ee Somaliland, xeerkaasi oo ay goluhu dhawr jeer ooh ore ansixiyeen hase yeeshee golaha Guurtidu ku soo celiyeen.
Fadhigoodii  shalay ee golaha Wakiiladda oo uu shir-gudoominaayay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi  Md. Baashe Maxamed Faarax, iyadoo fadhigaasi ay ka soo xaadireen 47 xildhibaan.
Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ahaa mudaneyaashii doodad ka dhiibtay  ayaa   xildhibaanadda  u sheegay in golaha guurtidu xeerkan qodobo badan badaleen, loona baahan yahay in golaha wakiiladu ku meel mariyaan sidii uu markii hore kaga baxay golahoodda.
 
 
Isagoo  arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Golaha Guurtidu waxay xeerkan ka soo badaleen ilaa 25 qodob, markaa waxaad moodaa in xeerkiiba ay dhalan gadiyeen. Waxaan soo jeedinayaa in xeerkaas lagu ansixiyo sidii uu hore inagaga gudbay oo lagu daray laba qodob oo ay guurtidu qoraalka dib u sid ku sameeyeen.” In  xeerkaas lagu ansixiyo soo jeedintii xildhibaanada golaha wakiilada ee ahaa  in sidii sii hore loo daayo, laguna daro labadii qoddob ee guurtida waxa ogolaaday 45 xildhibaan, waxaana  diiday hal mudane, cid ka aamustay may jirin gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaasina waxay golaha wakiiladu markii saddexaad ku ansixiyeen xeerka duulista madaniga ah ee Somaliland, kaas oo golaha wakiiladu diideen kaabsitii iyo wax-ka-bedelkii ay golaha guurtidu ku soo sameeyeen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply